Uncategorized

Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Sheegay inuu Marxalad gabo gabo ah Marayo dib u dhiska Madaarka Caasimada

Hargaysa 16.Feb (SDN) Wasiirka Wasaaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland  MD  Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ka warbixiyey  halka uu marayo Mashruuca dib u dhiska Madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal International Airport ee magaalada haragysa kana Hadlay dacaayado ay masuuliyiin mucaarid ahi ku tiraabeen .

Wasiirka oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa Isla Markaana uu ku Wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas Axmed Dalal Faarax Waxa uu Wasiirku ayaa waxa uu sheegay in uu gabagabo ku dhaw yahay mashruucaasi oo ka koobnaa laba qaybood  oo kala ahaa dib u cusboonaynsiinta Run-wayga diyaaraduhu ka hadaan iyo samaynta xaydaab ama dayr lagu sugayo amaanka Madaarka.

Wasiirka Wasaarada duulistu waxa kale oo uu ka hadlaya lacagta ku baxaysa  waxaanu sheegay   in ay Sagaal malyan oo dollar tahay Isagoo Xusay inay Hal milyan  qaateen shirkada daraasada diyaarisay Oo ay khubaradoodu joogaan dalka isla markaana ka masuula hawlaha ilaalinta iyo hawl socodsiinta hawsha dib u habaynta rainwayga Mashuuran in dib loogu cusboonaysiiyo rainwaygii hore, Kaas oo la dhisay 1958 iyo in lagu sameeyo xayndaab lagu sugayo amaanka madaarka Isagoo arrimahaas ka hadlaya Waxa uu Yidhi ” Waxaanu daraasad aanu samaynay dabadeed, madaarada Somaliland way badan yihiin hase yeeshee, labada garoon ee ugu waaweyn inay u mudan yihiin in laga bilaabo waxqabadka, mashruuca waxaan u qaybinay laba qaybood oo isle’eg, garoonka Hargeysa waxaanu ugu tallo galnay dhabadda (Run-waygii) hore ee ka koobnaa 2km iyo 400m in lagu sameeyo dib-u-dhis, Runwaygaa waxa la dhisay 1958, waad garan kartaan wakhtiga laga joogo, mashruucan Kuwait ma ahee muddadii xukuumadani jirtay wax wayn ayay ka qabatay madaaradda dalka gaar ahaan madaarka Hargeysa ka Berberna wax badan ayaa laga qabtay.”

Wasiirku waxa kale oo sheegay in ay wax weyn ka qabteen Madaarada dalka taas oo ay xusi doonto taariikhdu Mashruucan oo loogu talo galay in uu socdo shan iyo toban bilood oo ka bilaabmayey bishii March ee sannadkii hore kuna dhamaanaya 20 bisha juun ee sannadkan, Waxa uu soo maray maraaxilkii kala duwaa oo ay ka mid ahayd keenista qalabkii hawsha lagu qabanayey oo wakhti qaatay keenistiisu  ayaa haatan waxa uu maraya gabgabadii ugu dambaysay ama wajigii dhamaadka

dhanka kale wasiirka wasaarada duuulista oo uu been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay hadalo ceebayn iyo aflagaado iskugu jira oo ay u soo jediyeen qaarka mid masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah “Dad badan oo war-xumo tashiila oo aan xog ogaal ahayn ayaa yidhaahda mashruucii waa fashilmay oo wayska xidhan yahay garoonkii oo wax ka socda aan ogayn oo baadhitaan rasmiya oo aan ku dhisnayn xaqiiqada run-na aan ahayn. bini ‘aadanku marka uu wax sheegayo waxay ku qurux badan tahay inuu wax uu hubo sheego, markaa mashruucan waxaan rumaysanahay inuu najaxayo oo uu noqon doono talaabo wayn iyo horumar wayn oo ku soo kordhay dalka garoonka caasimadana ka dhigo doono garoon casriya.”.

Sidoo  kale waxa uu wasiirku ka hadlay arin ay warbaahintu baryahan dambe qorayeen oo  ahayd in madaarka berbera ay ka xumaadeen qalabkii  amaanka ama dadka lagu badhayay ee dhawaan xeerka 10ka dolar ah loo ansixiyay, Waxaanu wasiirku sheegay in qalabku yihiin wax Aadame Sameeyay oo  marna xumaan kara lana hagaajin karo ,Waxaanu intaas ku daray inaanay wax wayna ahayn Qalabka Ciladu la soo deristay balse ay u direen Qalabkii lagu hagaajinayay,kaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u soo gaadhi doona .

Hargaysa SDN.