Uncategorized

Kulan lagu Gorfaynayo Maamul Wanaaga oo Hargaysa ka furmay

Hargaysa 13.Feb (SDN)    Ku xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa Mud, C/casiis Maxamed Xaashi ayaa maanta Kulan howleed ku saabsan Habka maamul-wanaag uga furay Todobaatan Xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Golayaasha Degaanka ee Goboladda dalka huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Furitaankii Kulan-howleedka waxa ugu horayn ka hadashay  Agaasimaha  Fulinta Daladda Negaad oo iyagu soo qaban-qaabiyey kulan-howleedka Marwo Nafiisa  Yuusuf Axmed, waxaanay  ka warantay ujeedada  kulan-howleedka loo qabtay, waxaanay xustay in  duruusta kulanka ay ku qaadan doonaan  mudayaashu ay u arkeen inay yihiin kuwo ay uga faa’iidaysan karaan  shaqooyinka ay hayaan.

Marwo Nafiisa waxa ay intaa ku dartay , in duruusta la qaadanayo ay  ku jiraan ballan qaadyadii mudayaashu xiligii ay ku jirteen Ololihii doorashadii golayaasha degaanka ay dadweynaha u qaadeen inay fulin doonaan haddii ay ku guulaystaan doorashada, kuwaasi oo ay sheegtay in  iyaga oo duuban ay hayaan. Waxaanay mudanayaasha u rajayaan in mudada  uu u socdo oo laba cisho ah ay si wanaagsan uga faa’iidaysan doonaan.

Ku xigeenka  Duqa Caasimada  Hargeysa Mud,, C/casiis Maxamed Xaashi,  oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyey ayaa xildhibaanada kulan-howleedku u furmaykula dar-daar-may in ay si haboon uga faa’iidaystaan  duruusta ay ku qaadan doonaan.

Hargaysa SDN.