|

Gudoomiyaha Gobolka Hawd oo Kormeer ku gaalaa bixiyay Deegaamo ka tirsan Gobolkaas

Hargaysa 28.Feb (SDN)    Badhasaabka Gobolka Hawd Md Ibraahin Xaaji Xasan oo kormeer xog ogaal u noqosho ah Waxa uu Maanta  ku maray deegaanada  Gobolkaasi Kuwaas oo ay ka Mid Yihiin Cunaqabad, Gumar, Baargoo, seylah iyo masaajidka.

 

Badhasaabka oo uu safarkiisa ku weheliyo agaasimaha xidhiidhka gobolada iyo siyaasadda ee wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa kulamo xidhiidh ah la yeeshay dadweynahii uu deegaanadaas kula kulmay  kuwaasoo uu ka dhegaystay warbixino ku saabsan xaaladda deegaanadooda hadday tahay dhanka dadka iyo dhinaca xoolahaba.

Waxgaradka iyo dadweynaha deegaanadii uu badhasaabku safarkiisa ku maray ayaa ku wargeliyey weftiga dhibaatada dhinaca arimaha bulshada eek a jirta halkaasi gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha halka sidoo kalena ay dadweynahu werwer ka muujiyeen daaq yarida soo food saartay xoolaha nool ee gobolkaasi.

Hargaysa SDN.

Comments are closed