|

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex oo dhalinyarada Caasimada Hargaysa ugu baaqay inay Ciidamada Gacan Siiyaan

Hargaysa 28.Feb (SDN)  Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex  Md Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare)) Ayaa Maanta ka qayb galay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinyay arday  dugsiga Almis ee caasimadda Ka Dhamaystay waxbarasho kala duwan.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen  Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Md Maxamed maxamuud cali Agaasimaha Waxbarashada dadban ee wasaarada warbarashada Somaliland gudoomiyaha gudida qandaraaska  qaranka , xildhibaano ka socday golaha wakiilada, iyo Agaasimaha  jimciyada Mujaahidiinta Ee Sooyaal.

Ugu horeyn waxa munaasibadaa ka hadlya gudoomiyaha gobolka maroodi jeex Md Maxamed Maxamuud Cali  oo Ardaydan kula dardarmay inay waxbarashada halkaa ka sii wataan waxanu sheegay inuu maanta kala soo gayb galo isgoo mudo yar joogay gobolka waxanu tilmaamay inuu aad ugu farxsan yahay isku bedelka madaxwaynuhu sameeyay ee isaga loo soo badalay caasimadii dalka  talaabadaas oo uu Madaxweynaha uga mahadceliyey.

Gudoomiyaha Gobolku Waxa uu Xusay in Nabadgalyada Somaliland ay tahay mid Cago adag ku taagan isla markaana aanay jirin Cid looga baqanayo isagoo dhalinyaradana ka Codsaday inay Ciidamada amaanka ku gacan siiyaan Wax kasta oo taabanaya Nabadgalyada.

Geesta kala waxa isna halkaa ka hadlay  Maamulaha Dugsiga Almis College Md Cabdiraxmaan siciid oo ka sheekeeyay tarikhada dugsiga iyo inta dufcadood e ka qalin jabiyay waxanu sheegay in la aas aasay dugsiga sanadkii 2006 ayna ka qalin jabiyeeen  dufcadii 6aad oo ay tahay ta maanta qalin jebisay

Waxa kale oo halkaa ka hadlay  xildhibaanada Ibraahin Mahdi Buubaa Iyo Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaalne oo labaduba ardyada kala dardaarmay aafada Tahriibta

Gaba gabadiina waxa goobtaas qalin jabinta ka hadlay Agaasimaha Waxbarashada Dadban  ee Wasaarada waxbarashada somaliladn Md Muuse Maxamed Shide oo ardyada ku guubaabiyay inay waxbarashada sii wataan oo aanay halkaa kaga hadhin .

Hargaysa SDN.

 

 

Comments are closed