Qatar March 3, 2013(qurbejoog) waxa caawa fiidki ka soo dagay garoonka diyaradaha ee Qatar international airport wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha FederaalkaSomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wafdiga madaxwaynaha ayaan hore loo sii sheegin ayaa waxa ku soo dhaweyey madax ka soctawadanka Qatar .
Safarkan ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliyo Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Taliyaha Nabadsugidda Axmed Macallin Fiqi, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur Tarzan.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ka helay casuumaad rasmi ah Amiirka Qadar Sheekh Xamad Bin Khalifah. Wuxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Qadar.
jwaxii wara kala soco qurbejoog.com
Doha Qatar




