Hargeysa May 07,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta ee JSL mudane Axmed cabdi Xaabsade ayaa maanta xadhiga ka jaray wadada Laamida ah ee isku xidha magaalada Hargaysa iyo deegaanka Halleeya oo hay’ada wadooyinka Somaliland ay ku samaysay dib u habayn.
Xadfada xadhiga lagaga jarayey wadadaasi oo ay ka qayb galeen wasiirka beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, mas’uuliyiinta hay’adda waddooyinka iyo marti sharaf kale ayaa waxaa hadal ka jeediyey Gudoomiyaha hay’adda waddooyinka Somaliland cabdiwaaxid cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo sharaxaad ka bixiyey wadadan oo isku xidha Hargaysa iyo tuulada Halleeya taasoo ay sideed KM oo ka mid ah dib u dhis ku sameeyeen.
Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoole ayaa isna xafladdaa ammaan uga soo jeediyey hay’adda waddooyinka Somaliland, waxuuna kula dardaarmay dadweynaha deegaankaasi inay ilaashadaan wadadaasi.
Wasiirka hawlaha guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo si rasmi ah wadadaasi xadhiga uga jaray ayaa xusay dhibaatadii ay wadadaasi ku haysay dadweynaha degaanka Halleeya iyo dadweynaha kale ee marinka ay u ahaydba, halka sidoo kalena uu sharraxay sida ay xukuumad ahaan uga go’an tahay hagaajinta waddooyinka dalka.
Dhanka kalena Maayor-ka caasimadda engineer Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa isla maanta xadhiga ka jaray buundadii ku taallay xero dhiigtii hore, taasoo ay hagaajinteeda iska kaashadeen Hay’adda waddooyinka Somaliland iyo DHH.
SDN-Hargeysa
