Uncategorized

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada & Daryeelka UCID,iyo masuuliyiinta Xisbigaas oo ummadda Islamka ka hambalyeeyay sanadka cusub

Hargeysa Nov 15,2012(SDN)-Masuuliyiinta sare ee xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa guud ahaan ummadda Islamaka ka hanbelyeeyay bilashada sanadka cusub ee Hijriyada.

Qoraal ay ummadda saxaafada u mariyeen masuuliyiinta UCID oo nuqul ka mida ayna soo gaarsiiyeen ayaa u dhignaa sidaan;

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada & Daryeelka UCID, Gudoomiye ku Xigeenada Xisbiga, Murashaxa Madaxweynaha iyo Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbiga, Dhamaan Guddida Fulinta, Golaha Dhexe , Garabada Haweenka, Garabada Dhalinyarada iyo Dhamaan taageerayaasha  Xisbiga UCID, waxay Hambalyo iyo Bogaadin aan u dirayaan Sanadka Islaamka ee Cusub awgii 1434 Hijriya Guud ahaan Umadda Islaamka iyo Reer Somaliland Gaar ahaan.

 

Waxa uu Xisbiga UCID leeyahay Illaahay haynagu Gaadhsiiyo Sanadaha Soo socda Somaliland oo Guul iyo horumar waarta Gaadha,

 

Aamiin                        Aamiin                       Aamiin