Uncategorized

Shirkii Wasiirada Arimaha Dibada ee Wadamada Islaamka oo ka furmay wadanka Jabuuti

Jabuti Nov15/12  Wasiirrada Arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka ayaa maanta shir uga fumay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, ayadoo uu ka qeyb galyo wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Kulanka oo saaka ka furmay Hotelka Kambiski ee caasimadda Jabuuti ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada Islaamka,  iyadoo dalka  Soomaaliya ay uga qeyb gelayaan wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo shalay gaartay Jabuuti.

Ajandayaasha looga hadlayo kulanka ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin arrimaha Siiriya, Falastiin iyo Soomaaliya, waxaana la filayaa in gebagebada kulankaasi laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah, waana kulanki 39 aad oo ay yeeshaan wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada Islaamka sidoo kale waa markii ugu horeysay ee kulankaasi lagu qabto dalka Jabuuti.

Qurbejoog.com, Jabuuti