|

“Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Xisbiga Ucid kuma Meteli karo Go’aan ka Gaadhista Saami qaybsiga Kuraasta Wakiiladda” DAAWO

garabkkHargaysa 01.July 2016 (SDN/QJ):- Garabka ka Soo Hor Jeeda Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay inaanu Gudoomiyahoodu u Matali Karin Wada Xaajoodka u Socda Sadexda Xisbi qaran Si ay Xal uga Gaadhaan Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiiladda.

Waxaa Halkaasi ka Hadlay Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid Eng. Xasan Sabce; Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin, Xildh Maxamed Faarax Qabile, Xildh. Saleebaan Cali Khayre, Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye. Xog. Golaha Dhexe oo hadalka ku hor maray ayaa faahfaahin Ka bixiyay ujeedada shirkan isagoo sheegay in Faysal Cali Waraabe matalin mawqifka masiiriga ah Xisbiga Ucid maadaama dacwadi socoto xisbiguna laba garab yahay inaan dhinac qudha aanay matali karin Xisbiga, Ilaa inta goaan kasoo baxayo uma aqoonsanin gudoomiye xisbi mana sheegan karo labada waxay ahayd inuu yidhaa gudoomiye garabaan ahay. Dhinaca kale waxa fariin adag u diray guddida diiwaangalinta ururada kuna dhaliilay inay useeto dheereeyeen Faysal Cali Waraabe.

Comments are closed