Hargaysa 21.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xeerka diiwaan gallinta Madaniga ah ee ay dib ugu celiyeen golaha Wakiiladda oo uu sheegay in ay wax ka dhiman yihiin.
Waxaa kale oo uu ka hadlay wada hadal dhex maray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu sheegay in uu ahaa mid wanaag ugu dhammaaday isal markaana ay isku afgarteen.
Waxa uu meesha ka saaray Eedaymo ku saabsan in Guurtidu xannibayso Xeerka si doorashadu dib ugu dhacday.
“Xeerkii la soo gudbiyey iyo warqadii soo gudbisay ayaa khilaaf nooga muuqday dabadeedna shir guddoonkii golaha wakiilada ayaanu ku celinay oo waxaanu ku nidhi labada isa soo waafajiya, anigana halkaas ayaa iigu danbaysay waxaana lay leeyahay warqad ayaa soo noqotay walina maan arag.”ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan oo Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta
Guddoomiye Saleebaan waxa uu ka hadlay wada hadal ku saabsan Xeerkan oo uu la yeeshay Guddoomiyaha Wakiilada
Waxa uu sidoo kale sheegay in arinta Dib u celinta Xeerku la xidhiidho wanaajinta xeerarka balse aanay wax kale oo u jeedo ahi ku jirin
Haragaysa SDN/QJ
