Uncategorized

“Gudoomiye waxaa la Yidhi Nimaan kuu rari doonin yaanu kuu Furin” Xildhibaan Cali Bare DAAWO

Hargaysa 24.Oct 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Afartii Caano maal ee la soo dhaafay Saaxada Siyaasada Somaliland dib ugu soo noqday Khilaaf Soo kala dhex gala Mudanayaasha Muxaafidka ah ee lagu xanto inay ka shiidaal qaataan aqalka Madaxtooyada Somaliland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C.raxmaan Cirro.

Xildhibaan Cali Bare oo ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Somaliland ee ka Tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay Khaladaadka ay u sibir saarayaan Gudoomiye Cirro ee ka dhashay qaabkii uu u gudbiyay Xeerkii Diiwaangelinta oo uu xusay in aanu ahayn kii Goluhu ansixiyay

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com