|

Ra’iisul wasaraha dalka Iraq oo ka digay Qatar argagixiso oo ka dhalan karta dagaalka ka socnaya Syria

Baqdaad Feb 28 2013 (SDN)—Nuur Al-Maliki Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegay in dagaalka ka soconaya dalka Syria hadii ay ku guuleystaan Mucaaradka wadankaasi ay ka dhalan karto argagixiso cusub oo Qatar ku noqonta Mandiqada Bariga Dhexe.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, ayaa tilmaamay in guul ay gaaraan Mucaaradka Syria ay  ka dhigantahay in uu sii huro dagaalka diimeed ee dalkiisa ka socda, iyo dagaalada qeybsanaanta ku saleysan eek a jira dalalka Libaan iyo Jordan.

Mr. Maaliki ayaa xusay in Aduunyada looga baahanyahay in ay taageeraan qorshaha Nabada Syria kaasi oo uu ku tilmaamay xalka looga badbaadi karo Qatar ka dhacda Mandiqada Bariga dhexe.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Nuur Al-Maliki ayaa sii cadeynaya tuhunkii laga qabay Mucaaradka Syria in ay ku jiraan kooxo xiriir la leh Ururka Al Qacidda oo qeyb ka ah dagaalka ka socnaya Syria.

SDN-Baqdaad

Comments are closed