|

Xisbiga UCID oo Xukuumada ku Canbaareeyay Xadhig iyo Jirdil ay u geysatay Muwaadiniin,iyo falal ka dhacay Suuqa Waaheen

Hargeysa July 31,2013(SDN)-Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa uu Warsaxaafadeedkan Ku Canbaareynayaa laba arimood oo aad u fool xun oo shaley ka kala dhacey D. ABDAAL ee ka tirsan Gobolka.Saaxil iyo HARGEYSA Suuqa weyn ee laga ganacsado ee Waaheen

(Arinta koobaad, Xadhiga iyo Jidh dilka Loo geestey shaley dadka ku nool ABDAAL kuwaas oo fikirkooda si Salmiya u sheegayeey ama u cabirayey iyagoo ku taageerayey Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka,iyaga oo ka soo horjeedey dad la soo abaabuley oo hore u dhaleeceeyey Golaha wada tashiga iyo Toosinta Qaranka

Dadkaas oo u badnaa dumar ay ku jiraan hooyooyin dhawaan umuley iyo qaar uur lehba,

Dadkaas oo ilaa imika ku xidhan sifo sharci daro ah

(Arinta labaad oo ka dhacdey Suuqa Waaheen

Iyada oo lagu jiro maal mihii u danbeeyey RAMADAAN oo sida la og yahey ay suuqa waaheen ku ganacsadaan ganacsato yar yar oo u badan hooyooyin ayaa shaley iyada oo aan waxba la ogeysiin Tacadiyo, jidh dilka,Awood sheegasho Bur burin (Hantidoodii) iyo xadhig loogu geestey Suuq Weynaha Waaheen

Hadaba xisbiga ucid waxaa uu si adeg u Canbaareynayaa falalkaa foosha xun ee ka baxsan bila,aadanimada ee lagula dhaqmey dadka masaakiinta ah ee u baahan gacan qabashada

Falkan foosha xun oo ina xasuusinaya dawladii kaligii taliyihii maxamed siyaad bare ee shacbigani ka gil gishey

Sidaa daraadeed Xukuumada Maanta Talada Haysa waxaanu ugu baaqeynaa iney si deg deg ah xoriyadoodii ugu soo celiso dadka ay sida sharci darada ah u xidh xidhey ee u badan MAATIDA

Waxaa kale oo aanu ugu baaqeynaa iney ganacsatada yar yare ee WAAHEEN iney Alaabtoodii u soo celiso isla markaana Magdhawna siiso

Ugu danbeyntii waxaanu xukuumada kula talineynaa isla markaana aanu ku waanineynaa iney ka waantowdo Xadhiga,jidh dilka,Cabudhinta,Tacadiga,Xadgudubka iyo Awood sheegashada ay ku hayso shacbi weynaha wanaagsan ee reer Somaliland

 

 

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse A/laahi

 

Comments are closed