Hargaysa 08.Nov 2013 (SDN)- “Qof kastoo Tartan naga Dhaxeeyo,oo Saaxiibtimo naga dhaxayso inaan si Walaal tinimo u tartano ayaan diyaar u ahay,oo kaayaga Badiya la dhiso,Waxaan ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye balse waxaan Maanta idiin Cadaynayaa in dad badan oo Xisbiga ku soo biiray oo Qaarkood Magac ku dhex leeyihiin inaanu simanahay” Weedhahan waxaa dhawr bilood ka hor Madal ka jeediyay Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo Hankiisa Siyaasadeed ku hilaadinayay inuu u tartamo Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye kolka la gaadho Shirweynihiisa 3aad .
Wasiirku waxa uu far waaweyn ku cadeeyay inaanu marnaba tartan la galayn Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo marka uu isu soo taago Mansabka Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga balse uu damacsan yahay marka wakhtiga danbe ee Madaxweynuhu dhamaado inuu Murashaxa Madaxweyne isu soo taago.
Mudane Samaale Waxa uu si duur Xul ah ku balaysimay Khudbadiisa in Xubnaha Xisbiga ku soo biiray iyo isagoo aasaasayaashiisii ka mid aha inay isku xuquuq yihiin balse waxa uu hoosta ka xariiqay inaanu doonayn inuu Xisbiga ka Sheegto isaguna aanu Ogolaanayn in Xisbiga laga Sheegto,Waxaanu intaas ku daray in Cida tidhaa Xisbiga Gudihiisa lagu tartami maayo inuu u arko cid Fule ah.
Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Wasiir Samaale
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Samaale08ok.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
