|

Hantidhawraha Guud oo Beeniyay inay wax Musuq ah kala kulmeen Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka DAAWO

Hargaysa 12. December 2017 (SDN/QJ):-Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Md. Siciid Saleebaan Mire ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu shalay 11/12/2017 daabacay Wargeyska FOORE, kaas oo uu ku sheegay in Hantidhawrka Qaranku musuqmaasuq ku helay Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Md. Siciid Saleebaan Mire oo maanta xafiiskiisa ugu warramayay Telefishanka BULSHO ayaa waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in hawlgallada ay ku baadhayaan hay’adaha qaranka aanay ilaa hadda wax maxsuul ah ka soo saarin.

“Annagu waxba ma soo saarno. Ma soo saarno meel heblaayo ayaa waxaasi ka jiraan iyo meel heblaayo ayaa sidaas ah. Xafiiskani wuxu u shaqeeyaa sida Hay’adda Sirdoonka Qaranka,” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Md. Siciid Mire, isaga oo intaa raaciyay: “Cid aanu eedaynay ilaa iyo hadda ma jirto. Haddii baadhitaanno socdaan dalka oo dhan bay ka socdaan, wax dhibaato ahina kuma jiraan. Waxa la yidhaahdaa baadhis-xisaabeed iyo maamul-toosin. Hebel iyo hebel baa waxaa sameeyayna ma aha hannaanka aannu u shaqaynno.”

“FOORE meesha uu warkaa ka keenay isagaa og. Waa Sumcad-dilis. Cid aanad waxba ku haynnin oo aanad dembi ku soo oogin kuma samayn kartid sumcad-dilis” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud Md. Siciid Saleebaan Mire oo ka jawaabayay eedaha Wargeyska FOORE.

Ugu dambayntii Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Md. Siciid Saleebaan Mire waxa uu sheegay in aanay ilaa iyo hadda wax natiijo ah ka soo saarin baadhitaannada ay ka wadaan hay’adaha kala duwan ee dawladda. “Shaqadayadii way socotaa, wax maxsuul ah oo aanu ilaa iyo hadda soo saarnayna ma jirto” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Md. Siciid Saleebaan Mire.

Comments are closed