|

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Gudoomiyey Kal Fadhigii 232aad Ee Shirkii Golaha Wasiirada JSL, Kaasi Oo Noqday Shirkii Ugu Danbeeyey Xukuumadda Beri Xilka Wareejinaysa Ee Madaxweyne Siilaanyo SAWIRO

Hargaysa 12. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta shir gudoomiyey shirkii golaha wasiirada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii 232aad, kuna beegnaa kal-fadhigii ugu danbeeyey xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ee dalka ka talinaysay todobadii sanno ee ugu danbaysay, iyadoo ay berri kaga eegtay xukuumadda xilkii shacbigu u doorteen madaxweyne Silaanyo, isagoo madaxweynuhu ku wareejin doona madaxweynaha cusub ee dhawaan shacbiga Somaliland u doorteen inuu talada dalka hoggaamiyo shanta sano ee soo socda.

Madaxweyne Axmed Silaanyo oo la hadlay xubanaha xukuumaddiisa ayaa yidhi” Mudanayaal iyo Marwooyin, Ugu Horayn, sida aad la socotaan, berrito, waxaan qaranka ku wareejinayaa Madaxweynihii la doortay. Waxaan xubnaha Golaha Wasiirada iyo Hay’adaha Madaxa-banaan uga  mahad-naqaya, xil-wareejinta, aad soo gudbiseen.  Dhammaanteen, waxa sharaf inoo ah in aynu is-garab taagnay xiligii Ololaha Xisbigeena, taasoo sababtay in uu guulaysto.

Mar labaad, waxaan jecelahay, in aan idiinka mahad-celiyo, sidii aad iila soo shaqayseen, mudadii aan xilka hayey. Waxaan leeyahay, malahayga, anna idiin ma darnayn, idinkuna igumaydaan noqon caasi waalidiin. Gobtu, marka ay kala boqoolayso, ma kala cabato, ee  waxay ku kala tagtaa, gallad iyo wanaag Sidaa darteed, waxaan idinkaga tagayaa niyad wanaag, duco iyo abaal aan guurin. Waxaan idiin rajaynayaa caafimaad, cimri-dheer camal suuban, mustaqbal fiican iyo magac weyn, in aad ku noolaataan. Insha Allaah”.

Ka dib markii shirku soo xidhmay waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada la galay sawir taariikhi ah oo ka turjumaya wada-shaqayntii wanaagsanayd iyo muddo xileedkii ay soo wada qaateen madaxweynaha iyo xukuumaddiisu.

Comments are closed