Uncategorized

Hargaysa oo uu ka Bilaabmay Barnaamij Dadweynaha Lagu Barayo Sida Islaamku u Daweeyey Xanuunnada Bulshada

Hargeysa 03.Jan 2014 (SDN)- Barnaamij muxaadarooyin ah oo bulshada reer Somaliland lagu barayo sida islaamku u daweeyo noocyada kala duwan ee xannuunada dadka ku dhaca, ayaa ka bilaabmay xalay Masjidka Cali-mataan ee badhtmaha caasimadda Hargeysa.
Barnaamijdkan oo ay ka qaybqaadanayaan culimada waaweyn ee diinta iyo aqoonyahanno kale, isla markaana socon doona 11 habeen oo xidhiidh ah, waxa lagu soo bandhigi doonaa dhaqannada aan wanaagsanayn ee beryahan dambe bulshada reer Somaliland ku dhex faafay iyo doorka islaamku ku leeyahay hagaajinta iyo toosinta akhlaaqda dadka.
Muddada barnaamijku socdo waxa laga jeedin doonaa muxaadarooyin iyo dardaaranno aad u tiro badan oo ku qotoma akhlaaqda iyo dhaqannada toosan, waxana ka mid ah mowduucyada culimada iyo aqoonyahannadu aad uga hadli doonaan; dhibaatooyinka ku lammaan ku dhaqanka qabyaaladda, mushkiladaha qaadka, aqoon-darrada dhinaca ee dadweynuhu ku sugan yihiin, warbaahinta oo si qaldan loo adeegsado, khatarta tahriibka, dibjirnimada, tarbiyadda ubadka ee qalloocatay, diin-cayga iyo meel-kaga-dhaca sharafta dadka.
Culimaa’udiinka iyo aqoonyahannada ka qaybgali doona barnaamijkan waxa ka mid ah; Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sheekh Aadan Xaaji Xiiray (Aadan-siiro), Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole, Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil-dheeg), Dr. Maxamed Cabdi Daa’uud, Sheekh Cabdirxmaan Axmed, Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo culimo kale oo tiro bada.
140 141 142 143 144
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com