|

Hargeysa: Maxkamad gunaanadaysa Dacwad loo haysto Boqor Buur-madow

Hargeysa 30, June 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa lagu wadaa inay maanta gunaanado dacwad loo haysto Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland.

Buur-madow oo muddo 3 bilood ka badan ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, waxa loo haystaa dacwado la xidhiidha aflegaadayn Madaxweyne, eedaymo been-abuur ah iyo kuwo kale.

Inkastoo ay hore hawsha u joojiyeen dhawr Qareen oo difaacayay Boqor Buur-madow, haddana Maxkamadda gobolka Hargeysa oo gacanta ku haysa dacwaddiisu waxay maalmihii u dambeeyay sii amba-qaaday dhegaysiga kiiskaas oo muddo soo jiitamayay.

Muddadii uu xidhnaa, waxa jiray dhinacyo kala duwan oo ay diblomaasiyiin ajaanib ah iyo ururada Xuquuqal-insaanka u doodaa ka mid yihiin oo Xabsiga ku booqday Cusmaan Aw-Maxamuud (Buur-madow), kuna baaqay in la sii daayo.

Inkastoo uu ka mid yahay Madax-dhaqameedka caanka ka ah Geeska Afrika, haddana waxa jiray in xilli sii horeysay beeshiisu shaacisay inay xilkaa Madax-dhaqameednimo kalsoonidiisa kala noqotay.

Dacwadda oo xilligan socota (11:20 barqonimo), waxa lagu wadaa in goor dhaw la soo gunaanado.

La soco wixii ka soo kordha gunaanadka dacwaddan

Comments are closed