|

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo dhexe oo guud ahaan Somaliland saaka ka bilaabmay

Hargeysa, 30, June 2012 (Qurbejoog)- Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose iyo sare ee Somaliland oo saaka si rasmi ah dalka uga bilaabmay.

Imtixaankan oo ay hore Wasaaradda Waxbarashadu u shaacisay inay manta a furamayaan dalka ayaa siday masuuliyiinta Wasaaradu sheegeen si isku mid ah saaka u bilaabmay.

Imtixaankan oo sannadkan ay u fadhiisanayaan guud ahaan dalka 17531 arday (toban iyo todoba shan boqol sodon iyo kow), dugsiyada sare waxa ka baxaya 5846 arday (shan kun sided boqol afartan iyo lix), 4169  (afar kun boqol lixdan iyo sagaal) waa wiilal, 1695 (kun lix boqol sagaashan iyos shan) waa hablo, waxaana lagu galayaa 42 goobood dhamaan gobollada dalka.

Dugsiyada dhexena waxa ka qaybagalaya 11667 (tabaniyo kaw, lix boqol lixdan iyo todoba), 4086 waa hablo. Goobaha dugsiyada waa 98 goobood wadanka oodhan, hawl wadeennaduna waa 1263.

Qurbejoog, Hargeisa

Comments are closed