Hargeysa 02, August 2012 (SDN)- Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland, ayaa go’aan ka gaadhay dacwad ay muddo ka hor u gudbiyeen qaar ka mid ah ururadii ku hadhay wejigii hore ee tartanka urur-siyaasadeedyada.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa sheegay in markii ay dib-u-eegis ku sameeyeen dacwadda ay u soo gudbiyeen ururadii Horyaal, UDHIS, NDB iyo Jamhuuriga, ay Maxkamadda u cadaatay in aanay buuxinin shuruudihii laga rabay ee lagama maarmaanka u ahaa inay u gudbaan ka qaybgalka tartanka doorashada Deegaanka oo loo qorsheeyay 28 November.
Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ahaa masuuliyiintii ururkii Horyaal, ayaa go’aankan ku tilmaamay mid caddaalad-darro ah, isla markaana ay Maxkamaddu si aad ah oo ulakac ah u raajisay go’aankeeda, kuna beegtay xilli todobaad iyo maalmo keliyi ka hadhsan yihiin waqtiga kama dambaysta ah ee ururada iyo xisbiyada laga doonayo liiska murashaxiintooda doorashada. “Maxkamad raagtay waa cadalaad la’aan, way raajisay go’aankii aanu ka sugaynay, ta labaad qoladii Diiwaangelinta ee aanu ka dacwoonaynay go’aankoodii qaloocay uun bay ku ayiday oo ay raacday,”ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo warbaahinta la hadlay ka dib markii go’aanku soo baxay.
Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan urur-siyaasadeedkii UDHIS, ayaa maanta shaaciyay inay ku biireen urur-siyaasadeedka Nasiye oo ka mid ah kuwa u soo gudbay tartanka doorashada Deegaanka.
Xubnaha UDHIS ee ku biiray Nasiye, kuma jirin guddoomiyihii UDHIS Muj. Ibraahim Cabdullaahi Xuseen (Dhegoweyne), laakiin waxa ka dhex muuqday Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-Xaashi oo ka mid ahaa xubnaha sare ee ururkaas ay guddigii Diiwaangelintu sheegeen inuu shuruudihii ku hadhay, Maxkamadduna maanta ayiday go’aankaa hore.
Qurbejoog.com, Hargeysa
