Muqdisho:08-Jan-2014 (SDN)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho waxa Habeenkii xalay ahaa Lagu dilay Haweenay u Shaqaynasay Kooxo Shirkado Turki ah oo Hawlo Gargaar ah ka wada Somalia.
Haweeneydan ayaa la sheegay in ay dileen kooxo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo ku sugaayay meel ku dhow gurrigeeda, isla-markaana ka baxsaday Goobtii ay dilka ka geysteen.
Kooxda dilka geystay ayaan la haynin, waxaana durba gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baadhitaan ka sameeyay xaafadda dilka uu ka dhacay balse cid ay soo qabteen ma jirto.
Ma aha markii ugu horreysay oo mid ka mid shaqaalaha u shaqeeya Turkiga lagu dilo Muqdisho, waxaana jirta kuwa kale oo horre loogu dilay, iyadoo u jeeddadu tahay sidii loo niyad jabin lahaa Turkiga oo Haatan isku dayaya inuu si weyn wax uga qabto xaaladda Liidata ee Somalia.
Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlaayay banaan bax lagu taageerayo howlaha Turkiga uu ka wado Muqdisho ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan shaqaalahaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho.
Lama Garan karo cidda sida tooska ah uga dambaysa Dilalka sida qorshaysan loogu hayo shaqaalaha Hay’adaha Dedaalka Horumarineed ka wada Somalia, waxase ay Dawladdu eedeedda dusha ka saartaa Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Al-shabaab.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
