|

Haweenka Xujayda Sanadkan Oo Loo Diyaariyey Dumar Tababaran Oo Arrimahooda Ka Shaqeeya

Makah:Sep,05,2015(SDN/QJ)-Haweenka Sanadkan soo Gudanayo Waajibaadka Xajka, ayaa heli doono Adeeg aan hore loo helin oo ay fidin doonaan Dumar Si weyn loo carbiyey, iyadoo sidaasna ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Xajka ee Waddanka Sucuudigu.

jaaWaa markii ugu horraysay ee wasaaradu qaado tallaabo bilaw ah oo haween loogu magacaabayo shaqaalenimo, waxaanay ilo ku dhaw dhaw wasaaradda Xajku sheegeen in qaybaha ay ku leedahay magaalooyinka barakaysan ee Makkah iyo Madinah looga baahan yahay haween ka badan 100 xubnood oo ka shaqeeya wejiga ugu horreeya ee hawlgalkan lagu bilaabayo.

Maxamed Al-Baijawi oo ah Agaasimaha Wasaaradda Xajka ee Madinah oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in waaxdiisu ansixisay in 6 dumar ah si ku-meelgaadh ah loogu sii magacaabo hawsha si ay u dhammaystiraan shaqooyinka looga baahan yahay ee loogu khidmaynayo dumarka xujaajta ah.

Dawladda Sucuudiga, ayaa sannadihii u dambeeyay qaadaysay tallaabo ay kaga qaadayso cadaadiska xagga shaqada ee dumarka saaran, iyadoo waqtigana dumarka loo ogolaaday inay isku sharaxi karaan doorashooyinka dawladaha hoose ee Boqortooyada Sucuudiga ka qabsoomaya bisha December ee sannadkan 2015.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed