|

Sheekh Aadan Siiro Oo Da’yarta Isdoonaysa Ugu Bushaareeyey Inuu Dhaqaale ay Isku Guursadaan Ugu Deeqi Doono

Hargeysa:Sep,05,2015(SDN/QJ)-Da’yarta Reer Hargeysa ee iscalmatay, balse duruufaha dhaqaale dabreen, ayaa warkii ugu farxadda Badnaa maalintii shalay ka heshay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) oo kamdi ah Culimada Reer Somaliland kaas Wiilasha iyo Gabdhaha isdoonaya ee Aan awoodin Guur uu Gargaar ugu fidin doono Masaajidka Xawaadle ee uu masuulka ka yahay.

sorSheekh Aaden Siiro, ayaa Khudbad uu Salaadda Jimce ee Maalintii shalay ka jeediyey Maajidka Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga sheekeeyey muhiimadda ay leedahay taageerada iyo gacan-qabashada dadka jilicsan, sida dhallinyarada guurka raba ee waayuhu dabarka ku xidhay, waxaanu Sheekhu dadweynihii Masaajidka ku sugnaa ka codsaday in dhallinyarada is-oggol ee doonaya in Masaajidka la isugu meheriyo, lagana taageero bilawga qoyskooda ay xidhiidh la sameeyaan isaga.

“Ninka dhallinyarada ah ee Gabbaatiga, Lacagta iyo Baabuurta badani dhibeen, waxaan u sheegayaa inaynu ku caawinayno kharashka bilawga (qoyskooda), Masaajidkana waynu isugu meherinaynaa Salaadda Jimce ka dib (Jimce kasta). Sidaa daraaddeed waxaad (warkaa) gaadhsiisaan cidda is-oggol ee Waligooduna ogGol yahay (inay is guursadaan).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro).

Waanu Sheekh Aadan-Siiro intaas ku sii ladhay; “Weliga oo kaliya ayaa Masaajidka soo fadhiisanaya iyo ninka mehersanaya Gabadh, innaguna waxaynu ku caawinaynaa Ducada…haddaynu doonno shan ayaynu is-raacinaynaa oo aynu isku meherinaynaa. Waxaan u jeedaa inanka aan awood (Dhaqaale) oo badan aan lahayn iyo Gabadha is doonaya inay is-guursadaan, maaha ninka baystaynada haysta ama kumannaanka bixinaya.”

Waxa uu sheegay in Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaah korkiisa ha yeelee (C.S.W) uu Muslimiinta u dardaarmay inay iskaalmeeyaan oo ay u sinnaadaan hantida, wax isa-siiyaan oo ka wax Allaah u dhiibay ka aan waxba haysan kaalmeeyo, isla markaana Jaarku aad isaga war-hayo, oo Guriga laba qof wax ku filani yaallaan ay ku fillaan karto saddex ama afar-ba haddii iska war-hayni jirto.

Bushaarada kasoo fushay Wadaadkan caanka ka ah Somaliland, ayaa lagu wadaa inay ka faa’iidaystaan Kumanaan Dhallinyaro ah oo  awooddooda dhaqaale xaddidan tahay, balse u heellan inay Reer xalaal ah dhistaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed