|

Hawlgalkii Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha oo Maanta Si Rasmi ah uga soo Dhamaatay Gobolada Maroodi Jeex Iyo Togdheer & Labada Gobol ee ugu Danbeeya ee Kaadh Qaadashada Lagu soo Khatimayo DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta si rasmi ah uga soo Idlaatay Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer  hawlgalka qaadashada kaadhka Codbixiyaha oo si xidhiidh ah u socday 22 Cisho ah.

Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa noqon doona Labada gobol ee ugu danbeeya ee lagu soo khatimi doono Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha doorashooyinka Somaliland waxayna ku Mudaysan Yihiin in 8-da Bishan Caawa bilabtay ee August ay si rasmi ah uga bilaabanto.

 

Comments are closed