|

Xisbiga WADDANI Oo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Ka Dalbaday Inuu Soo Caddeeyo Qaran-dumis-nimo Uu Ku Eedeeyay Guddoomiye Cirro DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka jawaabay eedaymo uu doraad Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u jeediyey Dhiggiisa Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey Munaasibad Wasaaradda Qorsheyntu ku soo bandhigay Wejiga labaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, ayaa Guddoomiyaha WADDANI oo Munaasibadda oo lagu casuumay ku eedeeyay inuu yahay Qaran-dumis, sababta aanu uga soo qayb-gelina tahay inaanu Raali ka ahayn Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Laakiin, Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Telefiishanka SAAB waydiiyey siday Xisbi ahaan u arkaa eedahaa uu Musharraxa KULMIYE u jeediyey Musharraxa WADDANI, ayaa ku jawaabay “Eedaymahaasi waa waxba kama jiraan, waana Hal Bacaad lagu lisay, sababtuna waxa weeyaan Muuse Biixi isagu markii horeba muu ahayn Wasaaraddii soo Casuuntay (Guddoomiyaha WADDANI) iyo Wasaaraddii Qorshaha wadatay, markaa eedaha uu u soo jeediyey Musharraxa WADDANI waa iska xag-xagasho.”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in Qorshaha horumarinta Qaranka ee Wasaaradda Qorsheyntu Doraad soo bandhigtay uu Wanaagsan yahay “Waxaanu leenahay Qorshaha uu Madaxweynuhu soo diyaariyey waa Qorshe wanaagsan oo ma xuma, laakiin fulintiisii waxa baa’biiyey Muuse Iyo intii Xukuumadda ee ka hoseysay Madaxweynaha, kan kii ka horreeyayna ma fulin, kanna inuu fulayo ma muuqata.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Musharraxa KULMIYE ka dalbaday inuu soo caddeeyo Qaran-dumisnimada uu Guddoomiyaha WADDANI ku eedeeyay “Qofku markuu Qaran-dumis Qof ku eedaynayo waa Kiis culus, markaa waxa wanaagsan in Qofku ka fiirsado in waxan uu Qofka ku eedaynayaa uu yahay wax uu hubo, laakiin inaad Adiga oo Musharraxa Madaxweynaha ah inaad sidii Dadkii Maqaaxiya fadhiyey iska tidhaahdo Qaran-dumis baad tahay waa Arrin Masiibo, markaa bal Qaran-dumisnimada uu sheegay isagoo Musharrax Madaxweyne ah ha soo caddeeyo.”

Afhayeenka WADDANI oo la waydiiyey sababta uu Guddoomiye Cirro uga baaqday Xafladdii Lagu Daah-furay Wejiga labaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland oo lagu casuumay, ayaa ku jawaabay “Guddoomiyuhu wuxuu Munaasibaddaa u tagi waayay wuxuu Saluugay Baratoolka.”ayuu yidhi, isagoo ku dooday inaan lagu xushmeynayn meeqaamka uu ka mudan yahay Guddoomiyaha WADDANI, maaddaama oo uu sidoo kale yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL.

Comments are closed