|

Hay’adda Nabad Sugida oo xaqiijisay in Isbaaroyinkii Muqdisho laga sifeeyay

Muqdisho Nov 30, 2012 (SDN)—Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo lahadlay warbaahinta ayaa waxuu ku dhawaaqay inaysan wax isbaaro ah aysan oolin magalada Muqdisho oo ay dhamaan ka sifeeyeen sida uu sheegay.

Waxuuna intaa raaciyay hadalkiisa inay ahaayeen kuwo sharci daro ahaa isbaarooyinkii yiilay Magaalada Muqdisho islamarkaana ay ahaayeen lacagaha ay halkaasi ka qaadi jireyn kuwo sharci daro ahaa.

Waxuuna baaq u diray darawalada kaxeesa gawaarida ka dhexshaqeesa Muqdisho iyo waliba dadka shacabkaa ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho inay soosheegaan hadii ay arkaan goob ay taalo isbaaro lacag looga qaado gawaarida, ayna si dhaqsaa ugu qaadayaaan tilaabo sharci ah sida uu sheegay Taliyaha.

Madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxuu ku dhawaaqay dhawaan in laqaado dhamaan isbaarooyinka sharci daradaa ee yaalay wadooyinka Muqdisho taas oo keentay in lagu qaado olale ballaaran oo lagu nadiifinayo isbaarooyinklaasi.

SDN-Muqdisho

Comments are closed