|

Hiigsigii iyo himiladii fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar (1952kii – 2012ka)

Qormadii: 7aad

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale    

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar xataa dhaqanka macawis-xidhashada wuu lahaa. Waxaan garanayaa ama arkayba isaga oo Hargeysa jooga oo suuqa macawis ku tallaabsanaya, koodhna xidhan oo weliba kombiyuutarkiina degta ku sita. Waxaan garanayaa maalin uu intaa xidhnaa oo ay xaaskiisa Aamina wada socdeen oo ay agabkan hadyadaha ka iibsanayeen Milgo Photo.

Ilaa inta aan garanayo muraayadaha indhaha waa uu qaadan jiray. Tan iyo maalintii aan bartay ilaa maalintii uu shilka ku geeriyooday dooqiisa ama dhadhankiisa muraayadaha indhuhu is-ma uu beddelin. Waxaan si fiican u xusuustaa in maalmahaa aanu Moosko wada joognay ee dhowr iyo toddobaatannadii uu qaadan jiray muraayadaha indhaha oo ka koobnaa laba muraayadood oo cad cad oo saafiya, iyo gedaan (frame) madow oo caag ah. Maalintii uu dhintayna kuwii dhaqanka u ahaa mid ka mid ah ayuu xidhnaa.

Dr. Cabdishakuur marka uu socdo waxaad moodi jirtay in uu yar cidhibsanayo oo uu cidhibta dhulka ka yar qaadayo. Wuu xarrago badnaa, saraawiishana waxaan is-idhi ‘Jeanska’ ayuu u badnaa. Waxaad yar moodi jirtay in uu dalbo yar leeyahay, malahayga intii danbe ee uu Maraykanka tegayna wuu ka sii yar bad-badiyay oo dhaqanka socodka ee dadyowga dhulkaa ku nool ayaa iska caynkaas ah.

Digtoorku wuxu ahaa nin kaftan badan oo ay aad u adkayd sida uu ku xanaaqaa. Aad ayuu kaftanka uga heli jiray iyo sheekooyinka maadda ah. Inta badan wuu qosli jiray oo weliba ilmo ayaa ka iman jirtay. Marka uu qosolka ka soo doogo inta uu dhabarka ama garabka kaa dhirbaaxo ayuu muraayadaha iska saari jiray oo ilmada qosolku ka keenay iska tiri jiray.

Buugga iyo kombiyuutarkuba whelkiisa rumaad ayay ahaayeen. Waxaan is-leeyahay maalmahaa uu dhimanayay wuu soo ambo-baxay oo meherad caafimaad oo dadka dhimirka wax ka qaba lagu daweeyo ayuu furanayay. Keli kuma uu ahayn. Waxa ku weheliyay walaashii Raxma iyo Dhakhtar Cabdijabbaar la yidhaado.

Waa mararka aad soo xusuusanayso tuducyadii Heelladii Qaraamka ahayd ku jiray ee ahaa:

“Markaan is-idhaa wax taransaba,

Sow tii Rabbi meel ma sii taal.”

Maalmahaa uu shilka gelayo ayaa xayaysiiska goobtiisa caafimaad laga waday TV-yada. Saddexankaba muuqaalladooda ayaa soo bixi jiray. Naxdin weynaa! Ilaahoow kuu naxariiso. Aammiin. Idinkuna igu dara.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar ma ahayn oo keliya Caalim dadka daweeya oo keliya. Wuxu ahaa Mufakir adduunka iyo noloshaba aragti cad oo qeexan ka lahaa. Wuxu ahaa nin hankiisa iyo himiladiisuba ay aad u fogaayeen oo ay heegada sare ku laallaayeen. Nin aragti durugsan oo xeel dheer leh ayuu ahaa. Aragtidiisu gur-gur qaanso kuma ay dabranayn, bal se daaqsin geel iyo tahan ayuu wax ka daalacanayay.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, wuxu ahaa caalin dadka dabiiba oo dawo iyo qoraalba u adeegsada. Afafka Ingiriisiga iyo Soomaaligaba wax wuu ku qori jiray. Qoraalladiisuna meel qudh ah kuma ay koobnayn bal se dhul iyo arrimo kala duwan ayay daarranaayeen.

Somaliland wax wuu ka qori jiray. Soomaaliya wax wuu ka qori jiray. Geeska Afrika iyo dunida saddexaadba wax wuu ka qori jiray. Qoraalladiisuna hodan aan laga xiiso goyn ayay ahaayeen. Kuwa ugu caansanaa waxa ka mid ahaa Qormo aad u shishleyd oo uu ka qoray doorashadii Madaxweynaha Somaliland ee 26kii Juun 2010kii.

Qormadaa caan-baxay wuxu ku suntaday:

Somaliland: “Tartankii wuu dhammaaday, qof kastaana wuu guulaystay”

Haddii aan godollo ka soo qaato, wuxu ku bilaabayaa:

Qormadii: 8aad

Weli waxaynu ku jirnaa qormooyinkii aan xuska iyo xusuustaba uga dhigayay saaxiib igu dheeraa, ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Somalilandna qiimo iyo qaddarin gaar ah ku lahaa. Shamac u huray in dadkiisa dowga u iftiimiyo, is-na ku hurushoobo.

Qormooyinkiisii xiisaha iyo xadantadaba lahaa aan u noqdo. Waa Qormadii taariikhiga ahayd ee ka hadlaysay doorashadii lagu wada guulaystay ee 26kii Juun, 2010kii lagu soo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu qoray dhakhtarkeennii caalimka ahaa:

“Cinwaanka Qormadan waxaan ka soo xigtay buuggii Lewis Carol ee ‘Alice in Wonderland’, oo ahaa buug xikmad iyo dhacdooyin lama-filaan ahba cokanaa. Sheekada Somaliland waxay u eg tahay riyo. Halkan waxa kuu yaal dawlad aan la aqoonsan oo ku barbaarinaysa nooca dimuqraadiyaddeeda badhtamaha waayo aan maamul wanaagga kobcinayn sida Somalia, Djibouti, Ethiopia, Yemen, Eretria, Sudan, iyo Saudi Arabia. Liiskaasina kumanyaal meyl ayuu u soconayaa bari ilaa galbeed, woqooyiga ilaa koonfurta. Qof kastaaba immika iyo mar danbeba waa in uu is-qanjiidhiyaa si uu u xaqiiqsado in Somaliland jirto oo aanay doorashadan xaqa iyo xalaashaba ahayd noqon karin wax riyo ah.

Sida ay ku dhawaaqeen Guddida Doorashooyinka Qaranka ee qiimaynta mudan ee madaxa bannaani (GDQ), natiijooyinkii doorashadii la qabtay 26kii Juun, 2010kii waxay muujisay in Axmed Siilaanyo oo hoggaaminayay Xisbiga Kulmiye kaga helay tartamihii u xigay aqlabiyad muuqata oo ahayd 16%, kaas oo markaa ahaa Madaxweyne Daahir Ra’yaale kaahin oo hoggaaminayay Xisbiga UDUB. Jilaaga saddexaad ee riwaayaddii doorashada oo ahaa Feysal Cali Waraabe oo Xisbiga UCID hoggaaminayay meel danbe ayuu ka galay tartanka oo labadaba waa uu ka danbeeyay.

Intani waxay ahayd hordhac, bal se doorashadii sheeko kale ayay inoo marinaysaa.”

Haye, bal ka warrama dhakhtarkedennii miyirka iyo maankaba dhayi jiray. Bal ka warrama caalimkeennii nafsaaniga ahaa ee dadka dhimirka wax ka qaba daweyn jiray. Ma mooddaan in aad immikana akhrisanaysaan sheeko xariiradii qalin-maalka tanaaday ee qoraalka ku tamashleeya. Bal ka warrama Qalinka Dr. Cabdishakuur! Da’ soo kacaysa oo soo socota ayuu u ahaa naamuunad ka soo hor martay oo malahayga xayaysiisba u ahayd. Aan idhaahdo Ilaahay ku jannee.

Qormooyinkan ku saabsan Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar waxay igu yihiin run ahaantii gole-ka-fuul oo galab kasta ama maalin walba Qormada berri soo baxaysa ayaan qoraa, aniga oo weliba raad-raac iyo tix-raacba u raadinaya. Dad baan tilifoonno u diraa ama odeygeenna guunka ah ee ‘Google’ ayaan inta badan wax weidiiyaa, is-na ima hagrado oo hawsha aan idiin hayo waa uu ka dheregsan yahay. Marka ay Qormooyinkani dhammaadaan ayaan dib u nakhtiimi doonaauna tifaf-tiri doonaa si aan u qabyo-tiro Qormooyin aan muquuno uga dhigayo saaxiib aanu halgan-wadaag ahayn oo aad iigu dheeraa.

Maxaynu haynay? Haa…… Somaliland: “Tartankii wuu dhammaaday, qof kastaana wuu guulaystay”

Waa halka ay laxduba u dhimatay. Dr. Cabdishakuur wuxu inoo sheegayaa in la tartamay oo haddana la wada guulaystay. Waa marka dal iyo dadba la guulaysto ee cidiba wax qaadato ama dhinacba u badiso. Waa kooxo kubbad ciyaarayay oo kale. Intaas oo abaal-marin ah ayaa la bixiyaa oo cidina ma qaddo. Aan ku noqdo Digtoorkii qoraaga noqday ee qalinkiisa malabku ka dhibcayay, sida mindidiisii caafimaadku uga dhibcayay. Addoon Ilaahay wax siiyay ayuu ahaa.

Madaxweyne Ra’yaale wuu guulaystay iyada oo doorashadii laga adkaaday: Si xoog leh ayaa looga adkaaday. Qaar baa laga yaabaa in ay ku doodaan in si sharaf-jab leh looga adkaaday. Xataa tallaaboyinkii la canbaareeyay ee ahaa in khasnaddii dawladda uu u adeegsaday ololihii doorashada, in ka badan 67% dadkii codeeyay ayaa kasoo hor jeestay. Sidaa ay tahay haddana maanta Ra’yaale wuu guulaystay. Waxaana laga yaabaa in uu yahay guulaystaha ugu weyn maxaa yeelay wuxu ku dhaqaaqay wax in yar oo ka mid ah qeyrkiisa Afrikaanka ahi ku tallaabsadeen, taas oo ah in uu oggolaaday oo u hoggaansamay rabitaankii ummadda isaga oo aqbalay go’aammadii doorasho uu xilka madaxweynimo ku waayay.”

(La soco……………………..)

Comments are closed