|

Raysal Wasaaraha Jabuuti oo Madaarka dalkaas ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Jabuuti. 31, May 2012 (SDN)- Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti Dillayte Maxamed Dillayte, Wasiirro reer Jabuuti ah iyo masuuliyiin kale ayaa saaka si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka dalka Jabuuti ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin sadex Wasiir iyo Xildhibaan.

Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdirraxmaan Saylici ayaa saaka waaberigii ka duulay Garoonka Diyaaradaha magaaladda Berbera, isla barqadiiba ka dagay dalka Jabuuti oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay.

Ilaa hada ma cada ujeedada Safar Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisu hase yeeshee markii uu madaarka ka dhoofayay waxa uu warbaahinta u sheegay inay ka soo wadahadlayaan sii xoojinta xidhiidhka labada dal, isagoo xusay inay rajaynayaan si ay u taabogasho inay dhaqangelin doonaan safaaradihii ay labada dal hore iskula meel dhigeen.

Waxaana la filayaa inuu la kulmo masuuliyiinta ugu sareysa dalkaas.

SDN, Jabuuti

Comments are closed