|

Hoos u dhicii Abid ugu Hooseeyay ee Ku Yimid Qiimaha Shilling Somaliland, Maceeshadii oo Cirka Isku Shareertay,Mushaharkii Shaqaalaha oo Waxba Jari La’a,Awaamiir La’aanta Dawlada & Meehanowga Danyarta

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Qiimaha shilinka Somaliland, ayaa taariikhda halkii ugu hoosaysay gaadhay, waxana cirka isku sii shareeraya lacagta qalaad ee dollarka, taas oo saamayn ballaadhan ku yeelatay qiimaha maciishadda oo muddooyinkii dambe kor usii kacaysa.

Sariflayaasha Hargaysa ee Kolba Qiimaha Dollarka Jaangooya

Photo:Sariflayaasha Hargaysa ee Kolba Qiimaha Dollarka Jaangooya

Toddobaadkayn sii galbanaya oo keli ah, ayey bulshadu dareentay hoos udhac laxaad leh oo shilinka Somaliland ku yimi, waxana  halkii Dollar  suuqyada waaweyn ee dalka lagu sarrifanayey 8100slsh(siddeed kun iyo boqol), gacantiisa dambe, iyada ay dhinac socoto korodh koru un u socda oo ku imanaya maciishada daruuriga ah ee bulshadu isitcmaasho.

Korodhka Dollarka ku yimi iyo hoos udhaca shilinka dalka ku socda, ayaa waxa daawadayaal ka ah hay’adihii ku shaqada lahaa oo ay kaw ka yihiin baanka dhexe iyo weliba wasaaradda maaliyaddu, waxana god madow kusii dhacaysa noloshii danyarta, taas oo haatan noqotay in wixii koobnaa ee ay haysteen waxba u jari waayaan, isla-markaana ay waayaan hay’ado dawladeed oo ka damqanaya culayska nololeed ee saaran.

Hoos udhaca ku socda qiimaha shilinka Somaliland, ayaa u muuqda mid ay raalli ka yihiin hay’adihiii qaranku u igmaday, kuwaas oo markhaati ka ah nusqaanta lacagta qaranka ku socota iyo weliba nolol-xumada halgabnimadooda k aka dhalatay eek u habsatay shacabkii ay u shaqaynayeen.

Qiime-dhaca ku yimi lacagta Somaliland, ayaa ah mid aan weligii gaadhin halka uu maanta marayo, waxana fashil ku dhammaaday dhawaaqyo laab la-kacyo ahaa oo hore oo ay baanka dhexe iyo wasaaradda Maaliyaddu ku sheegeen inay sixir-bararka maciishada iyo weliba qiime-dhaca ku socda lacagta qaranka kula dagaallami doonaan.

Qiimaha haatan halkii ugu hoosaysay maraya ee shilinka Somaliland, ayaa waxa jaan gooya oo gacanta ku haya tiro kooban oo sarriflayaal ah, kuwaas si naxariis-darro ah fursado ay danahooda gaarka ah ka arkeen kor ugu qaadaya lacagaha qalaad ee dollarka, iyada oo ka faa’iidaysanaya fadhiidnimada baanka dhexe iyo wasaaradda maaliyadda ay ku kaantarooli la’yihiin qiimaha lacagta qaranka.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland

Photo File:Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland

Wakhtigan oo ay bishu bilow tahay, ayey kooxda fadhiidnimada baanka dhexe ka faa’iidaysata ee jaan-goysa qiimaha sarrifku cirka ku shareereen qiimaha lacagta Dollarka, iyada oo dhulka geliyey shilinka danyartu mushaharaadka ku qaadanaysay ee qarankani lahaa si ay dheef badan halkaas uga helaan, waxana taas barbar socda kor ukac bulshadu dareeentay oo  ku yimi maciishada daruuriga ah.

Baanka dhexe iyo wasaarada Maaliyadda qaranka waxa looga fadhiyaa inay dejiyaan siyaasad aan qosol-ku-jab ahayn oo ay ku xakamaynayaan qiime-dhaca la loodin layahay ee ku socda qiimaha shilinka Somaliland, isla-markaana ay tallaaho cad ka qaadaan sarriflayaasha ma naxayaasha noqday ee dhiigga danyarta masaariifsada.

Madaxweynaha qaranka oo isaga masuuliyadda koowaad saaran tahay, ayaa laftiisa waxa waajib ku ah inuu la xisaabtamo hay’adihiisa dhinaca dhaqaalaha u qaabilsan, isla-markaana uu ka dalbado sidii qiimaha shilinka dalka loo ilaalin lahaa.

Comments are closed