|

Laba Wiil oo Soomaali ah Isla Markaana Walaalo ah oo Toogasho lagu dilay Taas oo ka dhacay dalka Sweden

Stockholm 03. December 2016 (SDN/QJ):-Waxaa xalay Magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden, lagu toogtay labo wiil oo Soomaali ah kuwaa oo la sheegay in ay walaalo ahaayeen, kadib markii goob ay soo weerareen kooxo hubeesan oon wali heebtooda la aqoonsan.

rink_1Sida aan Wararka ku heleyno Wiilashan la dilay ayaa fadhiyay goob maqaayad ah oo kutaala xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Rinkeby , waxaana wiilashan mar qura soo weeraray rasaasna la dhacay kooxo hubeesan oo watay gaari yar.

rink_3Ciidamada booliiska magaalada Stockholm ayaa daqiiqado kadib soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wadaan baaritaano ku aadan kooxihii weerarkaasi ka dambeeyay oo ku baxsaday gaari ay wateen.

Dilka loo geestay wiilashan walaalaha ah ayaa waxaad aad uga naxay Soomaalida kunool magaalada Stockholm, walina lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geestay wiilashan iyo waliba cida ka dambeysay dilkooda.

Comments are closed