Helsinki May 16,2012(SDN)-Ciidamada Badda ee dalka Denmark ayaa soo bandhigay hub iyo Agab ay ka qabsadeen Burcad badeeda Soomaalida ee ka qawleysta Baddaha geeska Africa.
Hubkan oo ay ka mid yihiin qoryaha fudud,qaar culus iyo Doonyaha dheereeya ee Burcad badeedu u adeegsato Ugaadhsiga.
Dadka u soo daawashada tegay Hubkan ayaa la yaabay sida hubkan loogu bedelay si hawsha burcadnimada loogu adeegsaday.
Goobta Hubkan iyo Agabkan lagu soo bandhigay ayaa ah xarun ciidamadu ku soo bandhigaan hubka ay ku qabsadaan goobaha dagaal.
Sidoo kale Waxa goobta lagu soo bandhigay Abaal marino ay ciidamada baddu ku muteysteen dagaalada ay la galeen Burcada Soomaalida
SDN-Helsinki
contact@somalidiasporanews.com
