|

I Have a Dream: Halgamaagii Madoobaa ee Maraykanka ee Martin Luther King oo Shalay Dhalashadiisa Looga Dabaal Degay Dalka Maraykanka & Khudbadii Mahadhada reebtay ee ‘’Waxaan leeyahay Riyo’’ (DHAGAYSO IYADOO TURJUMAN) kana DAAWO Qurbejoog

Washington 16. January 2018 (SDN/QJ):-Dalkan Mareykanka waxaa Shalay looga dabbaal degayaa dhalashada halgamaagii dadka Madow ee Mareykanka Martin Luther King.

Luther King ayaa dalkan Mareykanka lagu xusuustaa hal-gankiisii soo shaac baxay sanadkii 1955tii illaa iyo lixdamaadkii ee uu ku doonayay xuquuqda dadka madow, iyo khudbadiisii caan baxday ee ( Waan Riyoonayaa, ama I have a dream) ee uu ka jeediyay socodkii dhaq dhaqaaqii xuquuqda madaniga uu ka sameeyay magaaladan Washington bishii March sanadkii 1963dii.

Bisha Ogos 28-keedii 1963 waxa ay ahayd boqolguuradii uu madaxweynihii Maraykanku Abraham Lincoln sharciyeeyay joojinta addoonsiga. Bannaanbax ballaadhan oo loo bixiyay Socodka Washington ee shaqada iyo xorriyadda oo maalintaa caasimadda lagu qabtay waxaa isugu yimid dad tiradooda lagu qaddaray 250 000 oo ruux. Fagaaraha la yidhaado Lincoln Memorial ayuu Martin Luther ka jeediyay khudbad qaayo leh oo dayaankeedu weli dhegaha ka sii yeedhayo. Khudbaddaas oo loo yaqaan I Have a Dream – Waxaan lee yahay riyo  – waxa uu ku guntay wacad ah in aan halganka xuquuqda madowgu dib u noqosho lahayn. Waxa uu kale oo hadalkaa ku saadaaliyay in ay iman doonto dharaar dalkiisa loogu wada noolaan doono sinnaan iyo xaqsoor, iyada oo aan qofka lagu takoorin midabkiisa iyo diintiisa.

 

Khudbadan waxa uu Martin Luther King ku saadaalinayay inuu Leeyahay Riyo ku Aadan in dadka Madow ee Maraykanka ahi ay heli doonaan dhamaanba Xuqaaqda ka aasaasiga ah ee dadka Cad,inuu leeyahay Riyo ku wajahan in Maraykan isku Xuquuq Siman noqon doono in dadka Madobi ay heli doonaan Shaqooyin in Midab kala soocu hadhi doono.

 

Khudbadan oo Dayankeedu uu Weli ka sii Yeedhayo Mujtamaca Caalamka ayaanu Shabakada Qurbejoog.com idiinku soo Tebinaynaa iyadoo Dhagaysi ah,Waxaan u Mahadcelinayaaa Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” oo Turjumadaa sameeyay.

Guji Halkan oo Mobilkaaga Ka Dhagayso Khudbada Martin Luther King


Comments are closed