|

Qaar ka Mid ah Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Ka Hawlgasha Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo ka Gilgishay Hadal ka soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta DAAWO

Hargaysa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa sheegay inay wasaarad ahaan u qorshaysan tahay inay warbaahinta u dhigaan soohdin adag oo aan laga tallaabi karin, iyadoo aan waxba loo dhimaynin madax-bannaanida saxaafadda dalka.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in wasaaradiisu  wacyigelin badan samayn doonto si meesha looga saaro qabyaalada iyo wax kasta oo  bulshada kala geynaya. Waxaanu sidaasi ka sheegay hadal kooban oo uu ka jeediyay fadhigii aqalka wakiillada ee Doraad,Wasiirka ayaa intaas ku daray inay meesha ka saari doonaan Xadhiga Suxufiyiinta taas badalkeeadana ay la Xisaabtami doonaan Mulkiilayaasha Hay’adaha Saxaafadda iyo Sidoo kale Tifaftireyaasha Wargaysyada.

Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) waxa uu intaas raaciyey in Xukuumad ahaan ay go’aansadeen in Madaxda dawladu aanay la hadal Warbaahinta gaarka loo leeyahay taas badalkeeadana ay la hadli doonaan Warbaahinta qaranka.

Hadaba Qaybo ka mid ah Warfidiyeenada ka hawlgala ayaa ka soo hor jeestay hadalka Wasiirka Warfaafinta.

Comments are closed