Tan iyo intii ay xukuumadani talada haysay waxa jira rajo fiican oo dhanka diblomaasiyada ah marka laga eego furitaanka wadahadalada Somaliland iyo Somalia oo ah talaabo lagu diirsado oo loo qaaday dhinaca horumarka.
Waxa la inooga baahan yahay inaan madaxweyneheena taageero ku siino kuna hambalyeyno wixii horumar ah ee uu ku dhaqaaqo.
Qadiyada Somaliland iyo gooni isu taagu waa run oo waa go´aan shacbi balse waxan ognahay in arinta Somaliland oo ka madaxbanaan Somalia ay u baahan tahay in la saxo khadaadkii Lixdankii aynu kula midownay koonfur. Taasna waxaa loo mari karaa dariiqaa iyo tubtaa aynu bilownay ee wadahadalka caalamkuna goobjooga ka yahay.
Maanta waxaa aan sugnaa waa natiojo khayr leh oo ka soo baxda wadahadalada oo u eg kiwo ,ido qaadan doona.
Mucaaradnimadu ma aha si xun wax u sheeg oo dacaayadee dedaal walba.
Waagii aunu xornimada ka qaadanay Ingiriiska waxaa jiray kooxo xifiltamaya oo sababay in god madow ku dhacdo rajadii iyo masiirkii umada, maantna qolyaha mucaaridku yaanay u muuqanin sidaa. Ha u eegina hebelbaa haysta ee waxaad ka fikirtaan danta qarankeena, midnimana muujiya. Idinkoo qiimeynaya duruufaha inagu hareereysan ee dhan walba leh.
Geesta kale dalkeenu waa dal yar oo aan haysan dhaqaale ku filan walina aan la ictiraafin. Maalgashi mug leh iyo dib u dhiskii uu u baahnaa aan haysan. Sidaasi darteed dadkiisu ma haystaan fursado dhaqaale, shaqo la’anta ayaa ah mid baahsan sidaasi derteed dhalinyarada oo ah dadka ugu badan bulshadeenu waxay la niyad jabeen camal la’aanta wadankoodii ku haysata.
Haddana waxa uu dalkani leeyahay nimcooyin badan iyo kheyraad ku filan hadii si hagaagsan loo maamulo.
Sida aan wada ognahay xukuumada siilaanyo ee haatan talada haysa waa xukuumadii ugu horeysay ee dhiiri galisa in muwaadiniinta maalqabeenada ah iyo dhamaan shacbigu ay maalgaliyaan dalkooda.
Waxa xusid mudan mashruucii dhismiha warshada sibidhka oo ah nimco uu ilaahay inagu manaystay oo dhaqaale badan aynu ka heli lahayn dibadana loo iibgeyn lahaa.
Waxaa nasiib darro ah in mudadii ay xukuumadani talada haysay uu hindisaha warshada sibidhku uu hakad galay ka dib markii kooxo warxumo tashiil ah oo wanaaga neceb ay dacaayado ku kiciyeen.
Waa arin ay cid waliba inagula yaabtay in qorshaha dhismaha warshadaasi ay diidan yihiin dadkii ka faa’ideysan lahaa ee iyaga iyo ubadkoodaba ka heli lahaa fursado shaqo aanay fahmin muhiimada uu mashruucan oo kale u yeelan karo bulshada gaar ahaan deegaanada ugu dhaw. Taa badalkeeda caadifad qabyaaladeed
ayaa loo adeegsaday.
Si kastaba ha ahaatee dowlada dalka maamusha ayaa looga fadhiyaa meelmarinta mashaariicdan ee yaan looga niyad jabin afmiishaarka doonaya in uu dadka cunaha kaga duubnaado. Dowlada ayaa ka masuul ah arimahan ee afmiishaarka suuqa jooga looma dooran inuu ka taliyo aayaha dalkan iyo dadkiisaba.
Maalin walba waxa si joogta ah loo caadeystay in ay warbaahinta la iska weeraro oo la isaga jawaabo si ka baxsan milgaha dowladnio ama qarannimo.
Dhaqanka caynkaas ah waxa uu ceeb ku yahay qadiyada in dalkeenu beesha caalamka ka helo garowshiiyo. Rajadii aynu dhibka badan u soo marnay una soo dhimanay oo maanta u baahan in aynu isku duubni iyo midnimo kaga midho dhalino ma haboona in la inoo arko dad gudahooda iska
hays-haysta
gabagabadii waxaa iga dardaaran ah.
Madaxtooyadu waa iney garowsataa tabashooyinka
mucaaradkuna waa in aanay ilaawin qarannimada
shicibkuna caadifada ha joojiyaan
wabilaahi towfiiq
By: Sakaria Abdi Sulub
Freelance journalist
Email: sekriasulub@gmail.com
Mob: 063-441-3932
