Uncategorized

Abaanduulihii Ciidanka Qaranka Oo Shaqadii Laga Joojiyey Xilli Madaxweyne Siilaanyo Maqan yahay Iyo Sababta Keentay

Hargeysa:27-Jan-2014(SDN)-Sida ay Sheegeen Saraakiil Sare oo ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, Waxa Shaqadii laga Joojiyey Abaanduulihii Ciidanka Qaranka Somaliland C/laahi Jamaac Calas.

calasSaraakiisha Warkan Bixiyey ayaa Sheegaya in Sababta Abaanduulaha Shaqada Looga Joojiyey ay la xidhiidho Khilaaf Dibadda u soo Baxay oo in Muddo ah u dhexeeyey Abaanduulaha iyo Talilyaha Ciidanka Mr Shaqale.

In badan ayaa la sheegay in la isku Dayey in la Furdaamiyo khilaafka, balse waxa lagu guuldarraystay in si Dhab ah loo joojiyo, waxana ay taasi keentay inuu Khilaafku saamayn ku Yeesho Habsami u socodkii Shaqada Ciidanka oo ah mid xaasaasi ah.

Khilaafka oo si weyn u soo baxay muddadii Dagaalku ka dhacay Giidda Gawsaweyne oo ay isku dileen Beesha uu ka soo jeedo Abaanduuluhu iyo Beel kale, ayaa  la sheegay inuu Taliyuhu Farogelin ku sameeyey awaamir uu Abaanduuluhu ku dhaqaaqay.

Guddi markaas loo saaray khilaafkooda ayaa soo jeediyey inaanay suurtagal ahayn in xilligan madaxweynuhu maqan yahay dhexdhexaadin wax ku ool ah arrinta laga Galo, isla-markaana loo Baahan yahay in Shaqo joojin lagu sameeyo Abaanduulaha inta madaxweynuhu soo Noqonayo.

Abaanduulaha ayaa sida la sheegay wakhti xaadirkan ka Cadhooday Ciidan Beeshiisa ah oo ku sugan Gobolka Sanaag, kuwaas oo la Doonayey in Ciidanka Qaranka lagu daro balse uu Taliyuhu ka Cago jiiday.

Abaanduule Calas ayaa ah nin Oday ah oo Ciidanka Qaranka Wakhti Dhaw ku soo Biiray, waxana Haatan ay meel Xun isla marayaan Taliyihiisa mana Muuqato in Arrintooda Xal laga Gaadhi Karo, maadaama Taliyuhu Yahay Shakhsi Tanaasulku ku yay yahay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com