Barawe:27-Jan-2014(SDN)-Wararka ka Imanaya Magaalada Barawe ee Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay in Xaaladda Guud Deggen tahay Kadib Weerar Shalay Galab Halkaas Lagaga Dilay Al-shabaabka Sarkaal Ka Tirsanaa.
Diyaaradda Dishay Sarkaalka ayaa la Sheegay inay Si Gaar ah u badhtilmaameedsatay Kolonyo Baabuur ah oo marayey Meel Magaalada u dhaw, waxana Halkaas ku Geeriyooday Sarkaalkii Badhtilaameedku ahaa sida dad Xogogaal ahi Xuseen.
Duqeynta kadib waxaa xalay billowday howlgallo ciidamada Alshabaab ay ka sameynayaan magaalada Baraawe iyo hareeraheeda, dadka deegaankuna waxay muujinayaan walaac cusub oo soo kordhay.
Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha dagaal ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa Sablaale iyo Baraawe iyo sidoo kale sarkaalka la beegsaday.
Dhanka kale, Xarakada Alshabaab iyo dowladda ayaa ka hadlin Hawlgalka Diyaaraddu Qaaday, waxaana dhowaan sidan oo kale diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya duqeeyeen duuleedka magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo oo ay sheegtay dowladda Kenya inay beegsatay saraakiil Alshabaab ah.
Xaalka ayaa saaka caadi ku soo laabtay waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ee maanta ay kooxdan ka Arrimisa Magaaladu ka Hadasho Arrimaha Soo Kordhay iyo khasaaraha ay Geysatay Diyaaraddani.
S.D.N
