Hargeysa, 15, May 2012 (SDN)- Isku dhac saaka dhexmaray ciidamo ka tirsan qaranka iyo dad shacab ah ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalkan oo ka dhacay degmada gacan-libaax ee magaalada Hargeysa gaar ahaan meesha loo yaqaan warshada kabista, ayay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen dad shacab ah iyo qaar ka mid ah ciidamada qaranka Somaliland, isku dhacan khasaaraha keenay ayaa ka dhashay, ka dib markii dadweyne gadoodsani ay isku dayeen inay xoog ku qabsadaan goobta loo yaqaan warshada kabista ooh ore u ahaan jirtay dhul dan guud ah, taasoo ciidamo qaran oo goobtaas deganaa ay iska difaaceen, isla markaana sababtay iska horimaad balaadhan.
Wararka ay shabakada Somalidiasporanews ka helayso goobta dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegaya dhaawacyo tiro badan oo isugu jira ciidan iyo shacab la geeyay cusbitaalada magaalada, iyadoo aan ilaa hadda la xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee dhimasho iyo dhaawacba.
Kala Somalidiaporanews wixii war ka soo kordha
SDN, Hargeysa
