|

Jaaliyadda Jsl/Toronto Oo Taakulo Ugu Deeqay Jidka Isku Xidha Hargeisa iyo Burco.

Toronto July 30-2012(SDN)Kulamo is-daba joog ah oo lagu qabtay Magaalada Toronto ee dalka Kanada ( Canada ) ayaa waxa deeq lacageed loogu uruurinaayay jidka isku xidha doona Burco- Hargeisa( Transsomaliland highway ). Jidkaas oo ah mashruuc qaran, waxa lagu dhisayaa iska-wax-u-qabso. Waxana hormood ka ah Guddigga Horumarinta Gobolka Togdheer.Mashruucyada hore ee ay Guddiga Hor-u-marinta Togdheer hir gelisay waxa ka mid ah:

1. Burao University 2. Burao Bridge 3. Maandheeye Mental Hospital.
Waxaa kale oo qorshaha ay dhigteen ka mid ah hirgelinta mashruuc afraad iyo shanaad oo kal ah:
4. Burao- Odweina- Hargeisa Road project ( oo iminka gacanta lagu hayo –under progress ).

5. Burco- Erigavo, Road project (oo gacanta la saari doona Marka mashruuca afraad dhamaado).
Hadaba annaga oo u mahadnaqayna Guddiga Hor-u-marinta, kuna dhiiri geliynayna inay hawlsha sii xoojiyaan, waxay Jaaliyadda JSL ee Toronto, siiba Jaaliyadaha ragga ka soo jeeda Gobolka Tog-dheer iyo magaalada Burco, ku deeqeen US $ 10,000. Waxa kale oo ay ku deeqeen Jaaliyadda Hablaha ka soo jeeda Burco US $ 5,000. Lacagtaas oo isu gayn dhan US 15,000 waxa lagu shubay Dahabshiil A/C # : Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer.
Waxa kale oo laysla gartay arrimaha soo socda: 1. In la bilaabo dhaqaale uruurin ballaadhan, oo laga uruuriyo dhamaan magaalooyinka waawayn ee Dalka Canada. ( Waxa loo balamay marka ay dhamaato bisha Ramaadaan ee Barakaysani }.
2. In la sameeyo wacyi gelin iyo baraarujin ( public awareness).
Waxaanu ku boorinaynaa dhamaan qurbjooga meel kasta oo ay joogaan, inay qacan wayn ka gaystaan mashruucaas oo faa’iidooyin badan u leh JSL.
Magacyada ka soo qayb galayaashi iyo Guddida qabanqaabada taakulaynta Wadada “Trans-Somaliland highway “ , Toronto.
1. Dualeh Mohamed Hersi 2. Ali Ibrahim Jama 3. Farah Abokar Khayre 4. Abdi Tuule 5. Jama Jama 6. Awil Hashi Mohamud 7. Mohamud Jirde 8. Mohamed Abdillahi Sugaal 9. Faud Abdillahi 10. Anis Farah Suusleh 11. Mohamed Ali (Sheekhaawi) 12. Mustafa Abdi Artan 13. Mustafa Ismail Sanqooleh 14. Ahmed Mohamed Yusuf (Mujahid Jabane) 15. Ahmed Sh. Hussein 16. Said Mubaarik 17. Ahmed Eric 18. Mohamed Yusuf Macalin 19. Khadar Ise Abdi 20. Abdirahman Abokar 21. Ahmed H. Ali Abdi
Waxa ay Gudidu u mahad celinaysaa dhamaan dadkii ka geeystay Tabaruca Jidkan isku xidhi doona Burao – Hargeisa. Waxa ay idin leeyihiin Illaahay khayr ha idiinku bedelo halkii aad ka soo saarteen, Wax aad se ogaataan in aanay wali fari ka qodnayn hawlaha dalka lagu hormarinayo..

Alle ayaa mahad leh.. (RAMADAAN KARIIM).

Wabilaahi Tafiiq.Gudida Taakulayenta Wadada Burao – Hargeisa ee TORONTO, Canada

Comments are closed