|

Mandheera: 362 Askari oo tabobar Boolis u xidhmay

Hargeysa 30, July 2012 (SDN)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta tababar ugu soo xidhay dugsiga tababarka Booliska Mandheera 362 askari oo muddo 4 bilood ah qaadanayay laylis ciidanimo iyo shuruucda ciidanka.

Munaasibad loo sameeyay xidhitaanka tababarka ciidanka oo maanta lagu qabtay xarunta dugsigaas oo ku yaala tuulada Mandheera oo 70 Km dhanka bari kaga beegan Hargeysa, wax aka qaybgalay wasiirrada Daakhiliga, Madaxtooyada, Cadaalada iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, Badhasaabka gobolka Saaxil iyo saraakiisha ciidamada Booliska Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Mr. Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay xafladaas, wxa uu sheegay in ciidankan oo u badan dhalinyaro ay u qaateen ciidanka Booliska isla markaana ay muddo afar bilood ah baranayeen tababar sare oo la xidhiidha shuruucda booliska iyo tababarada ciidammadda. Sidoo kale, waxa uu ciidanka tababarku u xidhmay u soo jeediyay inay hawl maalmeedkooda shaqo ku dabaqaan macluumaadkii ay ka korodhsadeen tababarkan.

Wasiirka Daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu hambalyeeyay ciidankan tababarka loo soo gunaanaday, waxaanu u soo jeediyay inay bulshadooda u fuliyaan adeega xasaasiga ah ee nabadgelyada ee ay u xilsaaran yihiin. “Ciidanka Booliska dhaqaale uma kordhin oo miisaaniyadiisu waxay la mid tahay tii sanadkii 2011-kii. Ciidanka intan leeg iyo cududa intan leeg in ciidanka Booliska lagu soo kordhiyo waa dedaal la iska kaashaday uun, ciidankani wuxuu qaatay tababar sare oo shaqadooda la xidhiidha,” ayuu yidhi wasiir Duur.

Wasiirku waxa uu xusay in ciidanka Boolisku u baahan yahay in kor loo sii qaado tayada aqoontooda iyo agabkoodaba si ay u daboolaan adeega halbowlaha ah ee ay u hayaan bulshadda Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylicioo ka hadlay munaasibadaas, waxa uu sheegay in xukuumaddiisu aanay waxba ka hagran doonin tayaynta ciidanka Booliska, waxaanu tilmaamay in marba wixii loo qaban karo loo qaban doono.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu dugsiga tababarka ciidamadda ee Mandheera salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka mid ah ciidankii Booliska ee tababarku u xidhmay oo dhan 362.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed