|

Jahawareer Xoogan oo Deris la Noqday Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt Land & Nuxurka Kulan Xasaasi ah oo uu La Yeeshay Wasiiradii Codka Kalsoonida Baarlamanku Kala Noqdeen

Garowe 23. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiiradii dowlad goboleedka Puntland ee baarlamaanku kalsoonida kala laabtay labo cisho ka hor ayaa shirkoodii caadiga ahaa waxay ku yeesheen caasimadda Garoowe.

 

Waxaana looga hadlay adkaynta amniga iyo sidii si wadajir ah loo wada-shaqayn lahaa, loona sii wadi lahaa shaqooyinkii wasaaraddaha inta laga soo magacaabayo wasiradii bedeli lahaa.

 

War-saxaafadeed laga soo saaray kulankaas ayaa u qornaa sidatan:-

 

Maadaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa iskugu yeeray golaha xukuumadda ka dib kala noqoshadii golaha Baarlamaanku ay kala noqdeen xasaanada, Madaxweynaha ayaa kala hadlay golaha adkaynta amniga dalka iyo in si wadajir ah loo wada-shaqeeyo lana sii wado shaqooyinkii ay wadeen wasaaraduhu, isla markaana si gaar ah la iskaga xilsaaro dhameystirka howlahii dalka ee socday.

 

Wuxuu Madaxweynuhu ku dheeraaday in Puntland ay ka socdaan hawlo baaxad leh oo kala ah dhinacyada horimarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhisme-yaasha wadooyin laamiga ah ee magaalooyinka iyo dhisme-yaal waaweyn oo ah xarumaha wasaaradaha Dawladda, wuxuuna Madaxweyne caddeeyay in uu dalku soo maray marxalado isugu jira difaac iyo horumarin isla socda ayna ku shaqeeyeen goluhu duruuf adag, sidaa awgeed ay muhiim tahay in shacabku ogaado in xukuumadaan ay ahayd xukuumaddii horumarinta Puntland.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland waxa uu usheegay shacabka in si wayn loogu diyaar garoobo xuska 1-Agoosto oo ah maalintii Asaaska Puntland oo ay ka soo wareegtay 19-sanno ayna ka jireen gudaha Puntland dagenaansho iyo harumar la taaban karo, hadana ay ka socdaan Puntland, kuwii ugu waaweynaa taariikhda, sidaa darteed looga baahan yahay shacabka dhammaantii in ay u diyaar garoobaan xuska 1-Agoosto.

 

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland oo ka soo noqday magaalada Gaalkacayo ee gabolka Mudug ayaa usheegay golaha in Puntland iyo Galmudug ay ku diyaariyeen magaalada Gaalkacayo ciidan gaar ah oo isku-dhaf ah una wada howlgali doona si isku mid ah, ciidankaan ayaa ka hortagi doona isku dhacyada deegaanka iyo Burcad-Diimeedka Al-shabaab.

 

Wuxuu sidoo kale goluhu warbixin ka dhageystay wasaaradda Deegaanka oo kawada Biyo xireeno waaweyn deegaamada Raydable, Xamxamaa iyo Laaso dawaco, waxayna wasaaradu dayactir casri ah ku samaysay guryihii daaqa qaran ee Degmada Jariiban, sidoo kale wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa caddaysay in ay jiraan Buugaag u baahan faafreeb inta aan loo gudbin Umadda ayna wado wasaaradu qorshe lagu faafreebi doono Buugagta loo gudbinayo shacabka.

 

Ugu Danbeytii Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku adkeeyay golaha in la ilaaliyo hantida umadda iyo mas’uuliyada shaqada inta lagu gudda jiro kala-guurga xukuumadaha Dawladda.

Comments are closed