|

Soomaali Ka Badheedhay in Difaaca iyo Jiritaanka Waddanka Qatar ay u Dhimanayaan DAAWO

Doha 23. July 2017 (SDN/QJ):- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar ayaa Kulan ay isugu yimaadeen waxay ku taageereen Go’aanka dhex-dhexaadnimo ee Dawladda Soomaaliya ay ka Qaadatay Xiisada Siyaasadeed ee dalalka Khaliijka.

 

Dhinaca kale Waxay Taageero iyo mahad celin u muujiyeen Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, Waxayna sidoo kale Saxeexeen Boodh-wayn oo Shacabka Dalka Qadar iyo Jaaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalkani ay muujinayeen Dareenkooda iyo sida ay u garabtaagan yihiin Dalka Qadar.

 

Ugu horayn Waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar Cali Askar iyo Qaar kamid ah Bulshadii kala duwaynayd ee Munaasibadan kasoo Qayb galay, Iyagoo sheegay inay garab taagan yihiin dalka Qadar, Islamarkaana Dulmi lagu sameeyay.

Comments are closed