Muqdisho Feb 10,2014(SDN)-Safiirka cusub ee ay dawlada Japan u fadhiya Muqdisho Tatsishi Terada ayaa ku wareejiyay Booliska Soomaaliya qalab xafiis oo aad u faro badan.
Japan ayaa qalabkan xafladii ay ku wareejineysay waxa ku sugnaa taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdixakiim Daahir Siciid iyo saraakiil kale oo ka socota beesha caalamka.
Qalabkan oo Japan ay u soo marisay Soomaaliya xafiiska gargaarka siyaasadeed ee QM ee UNSOM qeyb ka ah deeqo Japn ay siiso Soomaaliya.
Safiirka Japan ayaa sheegay in wadladiisu ay sii wadi doonto gacan qabadka dawlada soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Booliska Gen Cabdixakim Dahir ayaa dawlada Japan uga mahadceliyay doorka Muhiimka ah ee ka ciyaarto taakuleynta Soomaaliya.
Dawlada Japan ayaa intii ka danbeysay 2007kii waxa ay Soomaaliya ugu deeqday aduun dhan $300 million oo $60 million oo ka mid ah loo qondeeyay hawlaha amaan sugida.
Deeqaha Japan ee Soomaaliya ayaa gidigood loo soo mariyaa xafiiska QM ee Soomaaliya UMSOM.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
