Hargaysa 09.Feb 2014 (SDN)- Xukuuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa Caawa Xabsiga u Taxaabtay Gudoomiyihii iyo Ku Xigeenkii Ururka Tallo iyo Tawfiiq ee Beesha Habar yoonis .
Sida ay Shabakada Qurbejoog u Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin kala duwani Xadhiga labadan Oday ayaa ka dhashay Kadib markii ay Galabta Huteel Shiraaqle ee Magaalada Hargaysa ay kula Kulmeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro isla markaana ay iska Xog waraysteen Khilaafka ka Dhex taagan Golaha uu Hogaamiyo.
Warku waxa uu Sheegayaa in Xadhiga labadan oday ee isaga hooseeya Ururka Beesha Habaryoonis uu bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyadoo ay haatana ku jiraan Saldhiga Dhexe.
Geesta kale Mudaharaad ay soo abaabuleen dhallin yaro iyo Haween ayaa Fiidnimadii Caawa ruxay Xaafada New Hargaysa, Mudaraadayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku eedaynayeen inay dabada ka riixayso Khilaafka ka dhex taagan Golaha Wakiilada.
Mudaharaadayaashu Waxay Taayiro ku Gubeen Jidka Laamiga ah ee Xaafada New Hargeysa waxaana halkaasi Gaadhay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay Weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Ciidanka RRU,Kuwaas oo Xoog ku kala Kaxeeyay Mudaharaadayaasha .
Dhinaca kalena Sida ay Xildhibaan Bukhaari oo ka tirsan Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Golaha Wakiilada ayaa Dadweyne Gadoodsani ay ka heleen Meel u dhow Gurigiisa oo ku yaala Xaafada New Hargaysa Iyagoo Muraayadaha ka Jajabiyay Gaadhigiisii oo ahaa Nooca Land Cruser hasa yeeshee Sida ay Qurbejoog u Xaqiijiyeen Goob Joogayaal ku Sugnaa Goobtaas rag odayaal ah ayaa dirqi kaga badbaadiyay Xildhibaankan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
