|

Jawigii Madal uu Maanta Xilkii Kula Wareegay Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose ee Hargeysa

Hargaysa 30. April 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, Cali Xasan Cawaalle, ayaa xaflad ballaadhan oo martidu ku badan tahay oo lagu qabtay Huteelka Guulleed ee caasimada Hargeysa, xilkii kala wareegay Xoghayihii hore Mowliid Kayse Muxumed

Waxaa xafladaas oo si heer-sare ah loo soo agaasimay ka soo qaybgalay Wasiirul-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir kuxigeenka Arrimaha dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Jaamac Biin, Maayirka caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco, Maayar ku xigeenka caasimada, badhasaabka gobolka Maroodijeex Cabdilaahi Buraale, xoghayaha xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, badi xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada, cuqaal waxgarad, dhalinyaro, iyo dadweyne kale.

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mida mudanayaasha golaha deegaanka caasimada oo isagu ugu horeyn halkaasi ka hadley ayaa xoghayaha cusub u soo jeediyay inuu guntiga dhiisha iskaga dhigo, si hawlaha dadku tabayaan wax looga qabto, waxaannu yidhi; “Xoghayihii hore dawlada hoose isaga waxaan leeyahay Ilaahay darajadan aad imika taagneyd mid ka saraysa ha ku siiyo,waxaanay tahay xoghaya kaliya ee soo maray 8-da degmo ee ay ka kooban tahay caasimadu, Cali Xasan xoghaya cusub ee dawladda hoose 18-sanno ayuu u soo shaqeynayay khibrad iyo aqoon badan ayaanu u leeyahay hawshan iyo shaqada dawladda hoose, waxaana lagaaga baahan yahay in aad ummada aad isku hayso oo si wadajira ula shaqeyso, si dheelitirana aad wax u qabato, waxyaabaha aanu ku guulaysanay waxaa ka mid ah in aanu waddadii weyneyd ee caasimada aanu dhammaystiro, madaxweynuhuna xadhiga ka jaray adigana waxaa lagaaga baahan yahay dadaal iyo inaad guntiga dhiisha isaga dhigto siina wado si aan ummada wax ugu wada qabanno.”
Xoghayihii hore ee dawladda hoose Hargeysa, Mowliid Keyse Muxumed, ayaa faahfaahin ka bixiyay muddadii koobneyd ee uu xilka hayay waxyaabihii u qabsoomey waxaanu yidhi; “Muddadii koobnayd ee aan dawladda hoose joogay, waxaa noo qabsoomay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Kobcinta dhaqaalaha dawlada hoose, dakhli kordhinta aanu samynay,waxaa ka mid ah ardiyadaha, liisamada, fayadhowrka caasimada, muddadii aan joogay, waxaa noo hirgashay waddada caasimada halbowlaha u ah waddadaasi oo ka soo bilaabantay madaarka ilaa saldhiga dhexe.”
“Waxaanan halkan mahad-naq weyn uga soo jeedinayaa shaqaala-weynihii soo ururiyay lacagtii ku baxday waddada halbowlaha u ah caasimada, iyo maayarka oo dhiirigalin iyo dadaalba nala garab taagnaa, Cali waxaan leeyahay hawl badan ayaa inoo taalla miisaaniyada toddobaatanka milyan ah ee ay dawladda hoose ansixiyeen mid walba inaad xisaabteeda halkeeda ku gasho,”ayuu yidhi Mowliid Kayse.
Xoghayaha cusub Cali Xasan Cawaale oo isna munaasibadan uu xilka kula wareegayay ka hadlay, ayaa ka mahadceliyay xilkani loo magacaabay, waxaanu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo yahay madaxweynaha kaliya ee xilalkii ugu badnaa u magacaabay dhallinyarada, waxaannu yidhi; “Marka ugu horreysa waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sida uu xilka isaga saaray magacaabista dhallinyarada intii uu xilka hayay ay tahayna markii koowaad ee dhallinyaro intaas le’egi ay xilal intaas sidaas u badan ka qabtaan dawladda,waana madaxweynihii koowlaad ee dhallinyarada ka qayb galiya amase u ogolaaday saaxada siyaasada.”

Xoghayaha cusubi waxa bulshada ka dalbaday inay kala shaqeeyaan horumarinta caasimadda, waxaanu ammaanay xoghayihii hore oo uu tilmaamay inuu wax qabtay muddadii uu joogay, waxaannu yidhi; “Xilku waa wax Ilaahay kugula xisaabtamayo ummadana waa adeeg aad u adeegayso, waxaanan bulshada ka codsanayaa inay iigu duceeyaan xilkan la ii magacaabay in Illaahey igu asturo, xoghayihii horena waan uga mahad celinayaa sidii wanaagsaneyd ee intii uu halkan joogay wax uga qabtay, sunaha dawladnimo ayaana ah in masuulka la bedalo oo xilkii shalay nin kale hayay maanta qof kale qabto, waxaanan jecelahay bedalkii faraha badnaa ee xoghayayaashuna in uu halkaasi ku hakado, qofkana marka la magacaabo waa in wakhti la siiyaa waxaana la ogaan karaa qofkani inuu hawshan qaban karo iyo inaanu qaban karin. Waxaan leeyahay shaqaalaha waanu wada shaqeyn doonaa xuquuqdoodana waan daryeeli doonaa, shaqaalaha dawladda hoosena waxaan ka codsanayaa inay si wanaagsan iila shaqeeyaan.”

Wasiirul-dawlaha Amniga ee Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Xoghayaha cusub, waxaanu u soo jeediyay inuu ka hawlgalo waajibaadkiisa shaqo ee horyaala, waxaannu yidhi; “Waxaanu sii sagootiyeynaa xoghayihii hore waxaananu soo dhaweynaynaa xoghayaha cusub. waxaanu leenahay hawlo badan ayaa ku horyaala, dhammaanba badhasaabadu waa inay la shaqeeyaan golayaasha deegaanka, waa in ay la shaqeeyaan wasaarada arrimaha gudaha waa in wada shaqeyn iyo midnimo aynu muujinaa, xaalad adag ayaynu ku jirnaa.”
Maayarka caasimada mudane Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco oo isaguna halkaasi hadalka soo jeediyay ayaa yidhi “waxaanu soo dhaweynaynaa xoghayaha cusub, kii horena waanu sii sagootiyeynaa Ilaahayna bedal kheyr qaba ha ku siiyo, annaga muhiimada uu xoghayhu noo leeyahay waaa mishiinkii shaqada dhaqaajinayay saaka waxaa noo soo galey 17 koontiinar oo shaqadayada wanaajin doona wax weyna ka tari doonta”

Sidoo kalena, waxa xafladaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf iyo Caaqil Yuusuf Jaamac, waxaanay dhammaantood u duceeyeen xoghayaha cusub oo ay ku ammaaneen shaqo wanaag iyo aqoon, waxaanay xuseen inay sagootinayaan Xoghayihii hore, Mowliid Kayse.

Comments are closed