|

Madaxweynaha Oo Hambalo U Diray Shaqaalaha Somaliland Munaasibadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Hargaysa 30. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa munaasibada 1-da May awgeed, wuxuu hambalyo iyo bogaadinba u diray dhammaan Shaqaale-Weynaha JSL, meel kasta oo ay ku sugan yihiinba.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha JSL, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyadoo weliba ay dalka ka jiraan duruufo abaaro baahsan iyo xaalado dhaqaale oo adag.

 

Sidoo kale  Madaxweynuhu wuxuu Shaqaalaha JSL, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankeena u hayaan.

ALLAA MAHAD LEH

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed