|

Kenya Oo Iyadoo Aan Safaarad Somalia Ka Furanin Qunsul Cusub U Magacowday Kismayo

Kismaayo:April,30,2014 (SDN/QJ)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka kumeel gaadhka ah ee Jubba ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay magaaladaasi u soo magacawday qunsul cusub oo halkaasi u joogi doono.

kenquWafdi uu hoggaaminayo qunsulka cusub, Hillary Kyengo ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada Kismaayo, wuxuuna garoonka diyaaradaha kula kulmay hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Qunsulka cusub oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay  in magaalada Kismaayo ay u yimaadeen isaga iyo wafdiga uu hogaaminayay inay xidhiidh dhow ula yeeshaan maamulka KMG ah ee Jubba.

“Waxaan u nimid Kismaayo inaan la kulanno hoggaanka Kismaayo iyo hoggaanka maamulka KMG ah ee Jubba, waxaan ku guuleysannay inaan la kulanno madaxweynaha iyo xubno ka tirsan wasiirradiisa, waxaan halkan u nimid annagoo ah wafdi Kiinyaan ah si aan xidhiidh dhow ula yeelanno maamulka KMG ah ee Jubba” ayuu yidhi Qunsulkaasi cusub ee Kinyaanka ah, isagoo intaasi raaciyay, “Waxaan rabnaa inaan dhowaan xafiis ka furanno Kismaayo, si aan u horumarinno arrimaha la xidhiidha horumarka, ammaanka iyo xataa wanaajinta ganacsiga u dhaxeeya Kenya iyo Kismaayo.”

Hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba, Mr. Axmed Madoobe ayaa soo dhoweeyay magacaabista qunsulka cusub ee Kenya u qaabilsan Kismaayo, isagoona ku ammaanay dowladda Kenya kaalinta ay ciidankeeda ka qaateen la dagaallanka Xarakada Al-Shabaab iyo soo celinta nabadda iyo kala dambeynta qeybo ka tirsan gobollada Jubbooyinka.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegayaa inay safaarad ka furan rabto magaalada Muqdisho ka hor inta aan la gaadhin bisha June, iyadoo Kenya la wada ogsoon yahay dhibaatada xooggan ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu geystay xaafadda islii ee Nairobi.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed