Hargeysa Jan 27,2014(SDN)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha ee Gollaha Wakiilada Somaliland Md Ibraahim Jaamac Reyte ayaa noqday shakhsi ka badheedhay siyaasada Qabyaaladeysan ee siyaasiyiintu had iyo gooraale maciinka bidaan.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali oo Reyte loo yaqaan ayaa ah siyaasi da’a yar oo kalsooni cilmi iyo mid shakhsiyadeedba kulan saday ayaa si badheedha u baal maray is barbar taaga beeleysan ee siyaasada ku xeereneyaasha madaxweyne Axmed Siilaanyo ku caaanka baxeen.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka gaabsan kor ugu dhawaaqida wax qabadka xukuumada kolka ay munaasib tahay.
Ficilada ku saleysan kalsoonida iyo xilkasnimada Xildhibaan Reyte ayaa sabab u noqday in uu cod dheer ugu digo beesha uu ka soo jeedo ee haatan shakhsi ka mid ahi madaxtooyada ka arimiyo.
Waxa la yidhi rag waxyar tare mooyee wax ma tare ma leh, Madaxweyne Siilaanyo adeerkay muddadii uu xilka hayay ee saddexda sano iyo badhka ahayd waxtar weyn buu noo soo kordhiya beel ahaan, maxaa yeelay wixii ka horeeyay intii uu madaxweyne Siilaanyo xukunka qabtay ma jirin qof reerkayaga ah oo hal milyan ama laba milyan ama saddex milyan oo dollar haystay, maantana dhawr iyo toban milyaneer ayaa jooga oo aanu leenahay, milyankana waynu ognahay in muddo dheer iyo wakhti faro badan lagu gaadho. Waxaan leeyahay intaasi milyaneero inoogu filane’ hala joojiyo” ayuu Mudane Ibraahim Jaamac Reyte ku hogo tusaaleeyay ashqaas beeshiisa ah oo ku tagri fasha hantida umadda.
Inta badan waa ay dhacdaa in hadii siyaasi dhibsado sida beeshiisu wax u wado in uu dhanka kale eego waa hadii damiirku u saamixi waayo in uu la qasto.
Mase dhacdo in badan in uu kiyoo bulshada guud ahaan u nasteexeeynaya uu ku dhiirado in uu wanaaga sidaas oo kale ugu hiiliyo.
Xildhibaan Reyte ayaa falalkaa ku dayashada mudan ku kasbaday in badan oo dhiirasho la’aan uga amuusneyd magac xumada beesha Bariga Burco dhawr ruux ay u soo hoyneyso.
Beesha madaxweyne Axmed Siilaanyo oo caan ku ah aqoon yahan iyo in badan oo ku caan baxday khalad sheegida ayaa beryahan danbe aamus mooyee aan ficil laga heyn.
Waxaaana in badan oo reer Somaliland ahi haatan isweydiinayaan Reyte isqabadku ma ku tol waabaa mise waxa uu noqonayaa kii u horeeyay ee afka furta.
SDN-Hargeysa
