|

Khilaaf Soo Kala dhex galay Kuwait Iyo Iran oo Sababay in Kuwait 48 Saacadood u qabatay inuu Safiirka Iran kaga Baxo dhulka Kuwait

Kuwait 21. July 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Kuwait ayaa xalay Safiirka jamhuuriyada Iran u qabatay muddo 48 saacadood ah inuu kaga baxo wadanka Kuweyt.

Go’aanka Dalka Kuwait ayaa yimid ka dib khilaaf ku saabsan dad u dhashay Jamhuuriyada Iran oo ay Kuweyt ku eedaysay inay ku leg leeyihiin arimo dhanka basaasida ah.

Wakaalada wararka ee routers oo soo xiganaysay Wakaalad wareed oo ay iran leedahay ayaa baahisay in Iran ku adkaysanayso inay Kuweyt talaabadan u qaaday culays siyaasadeed iyo cadaadis kaga yimid dhanka boqortooyada Sucuudiga oo had iyo goor Iran u jeedisa eedaynmo aan sal iyo baar midna lahayn, sida ay iran hadalkeeda u dhigtay  isla markaana ay kuweyt u qabatay Safiirka Iran Rida Cinaayati  muddo 48 saacadood ah in uu kaga baxo Dalka kuweyt.

Comments are closed