|

Khilaafada Islaamiga ah Ee Daacish Oo Caasimadda Baqdaad Kaabiga U Saaran

Baqdad:Sep,30,2014.2014(SDN/QJ)-Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish, ayaa dedaalkoodii ugu dambeeyey ugu jira sidii ay ugu dhawaan lahaayeen Magaalada Caasimadda Dalka Ciraaq ee Baqdaad.

daacishKooxdan ayaa horumar ballaadhan ka samaysay Dagaal cusub oo ay Halkaas ka waddo inkastoo ay xulufo caalami ah ku Hayaan weerarro joogto ah,balse waxa la aaminsan yahay inaan wali xal waara loo helin arrintooda.

Warbaahinta Caalamiga ayaa sheegeysa in Xoogaga dowladda islaamiga ay la wareegeen magaalo galbeed ka xigta Baqdaad, halkaasoo ay horumaro ka sameeyeen, Iyagoo Haatan Caasimadda u jira 40Km oo kaliya.

Xoogaga Daacish ayaa sheegtay in ilaa kun askari oo Ciraaq ah ay ku dileen dagaalada oo tan iyo shalay ay socdeen.

Deegaanka Amariya Al-Faluuja oo 40-KM u jira Baqdaad ayaa ah magaalo muhiim ah, waxaana dagaalyahanada Daacish ay dhanka wadada waqooyi ay horumar ka soo sameynayaan.

Dagaaladan ayaa imanaya, iyadoo isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka ay sii wadan duqeymaha cirka ah oo ka dhan ah goobaha ay maamulaan IS ee Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale dagaalo kulul ayaa laga soo sheegayay dhinaca magaalada Faluuja oo ciidamada dowladda Ciraaq iyo ISIS ku dagaalamayaan.

Duqeymaha ka dhan ah ee Isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka ayaa galay todobaadyo, waxase wali laga fikirayaa Talaabo kale oo ka duwan midda Reer Galbeedku wadaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed