|

Wasiir Xirsi Oo Weedho Dhaxal-gal Ku Sagootiyey Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacadaha Dalka Ee Sii Badanaysa

Hargeysa:Sep,30,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Weedho Taariikhi ah ku sagootiyey Ardayda Cadadkoodu sii Badanayo ee Sida Joogtada ah uga Qalinjabinaya Jaamacadaha Kala Duwan ee Dalka Somaliland, gaar ahaa kuwii shalay ka Qalinjabiyey Jaamacadda Hargeysa.

xirisiWasiir Xirsi waxa  oo Hadal Qoraal ah  oo uu Ardayda Ku Dhiirrigelinayo soo dhigay Boggiisa uu ku leeyahay Face-book-ga, ayaa tilmaamay in cidkasta oo Maanta Aqoonteeda dhistay ay Haysato Mustaqbal ifaya oo u Baahan kaliya in xarakaad iyo iyo Niyadsami lagu qaabilo.

Qoraalka uu wasiirku Sooryada uga Dhigay Ardayda  Ka  Qalinjabisay Jaamacadda Hargeysa oo habeenkii xalayna Casho-sharaf la wadaagay, ayaa u dhignaa Sidatan:

“Maanta Waa Lagu Hubeeyey oo Aqoon baa lagu Baray, Balse Horumarku waa Mid Adiga kugu Xidhan.Ku Kalsoonow Naftaada , Dalkaaga Iyo Dadkaaga Hana Qawadin Nasiibkaaga Ee Ku Qanac Wixii Alle Kuu Qoray/

 

Waxay ahayd maanta kadib markii 793 Aqoonyahan, Halgame iyo Halyeey ay kasoo qalinjabiyeen Jaamacadda Hargeisa

Waxaan wada qaadanay Caawa Casho Sharaf muhiimadeedu ahayd duco,dardaaran iyo Hambalyo aan guudkooda sudhno 793-ka arday ee maanta ku soo biiray Aqoonyahanka iyo indheergaradka dalka.

 

Waa dhab oo dahab walba oo qiimo badan waxaa ka sareeya ciid iyo qashin fara badan oo u baahan cid kasoo qoda, hadaba, maanta kadib adigaa lagaa rabaa in aad halkaa horay uuga sii socoto mar hadii caalamka laguu soo saaray.

Waxaad tahay jawharad iftiimaysa oo caalamku ka dhur sugayo, ee marka hore is ogow qiimaha aad leedahay!

Ogow, qiimo kuma lihid Qoladaada iyo Quruxdaada ee waxaad ku Qiimaysan tahay Aqoontaada , Garashadaada iyo Damiirkaaga

Waayaha aduunku marba meel ayuu Marayey dhalinyarada reer Somaliland-na marba caqabad ayaa haysatay ee bal ila eeg taariikhdan si aad u qiimayso adiga iyo iyaga midkee dharaaro adag soo maray!

Dhalinyarada Somaliland iyo Waayihii Gobonimo doonka

Dalka iyo dadka waxaa soo maray wakhti ka horeeyey 1960 oo ay Maxmiyad u ahayeen Boqortooyada Ingriiska, waad qiyaasi kartaa nin la haysto iyo waayihii oo war badan male,

Dhalinyaradu wakhtigaas waxay u Tacabiri jireen Carabta oo markaas faqrigu gonda dhigay, wakhti xaadiraas ma lahayn shaqo waafiya ama Tacliin ay ku tanaadaan ee waxay galeen kud ka guur oo qandho u guur.

Waakii Abwaanku lahaa isagoo sawiraya muuqaalka xaaladii ka qabsatay safarkaas indho isku qabadka ahaa :

Mar haddaanan teeb iyo waraaq teybal dhiganaynin

Turjubaan afkiisii haddaanan ugu tiraabaynin

Mar haddaanan faaltow tegiyo turugsi raacaynin

Kol haddanan telifoonka iyo taarka qabanaynin

Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi seben joogey

Way tala xumaan Maxamadoow tanoo andhawrtaaye

Dalkii ku noqod ma leh oo gumayste ayaa jooga, dibed-na joogis maleh oo Caqli iyo Cuud midna kuu kordhi maayo bal adba!

Dhalinyarada Somaliland iyo Waayihii 1960 kadib

Kadib markii gobonimada laga qaatay Maxmiyadii Ingriiska, waxaa si aan hubsiimo lahayn loo galay mugdi markhaati ma doon ah oo markale dib uugu ceshay dhalinyarada wax aanay filayn!

 

Xaaladu xiligaas xoolo hel way dhaaftay oo Xoriyad doon ayey maraysay, waxaa la waayey wax walba oo xaq iyo xuquuq loo lahaa.

Wax habeenku dheeradaba markale ayey cadceedii xoriyadu soo baxday oo waxaa la sudhay calan ciil badan loo qabay.

 

Dhalinyarada Somaliland iyo 1991..

Waxaa markaliya la helay calan iyo ciid xor ah balse waxaa ku beegnaa wakhti wax walba dumeen!

Waxay taladu wakhtigaas gacanta u gashay nin qori sita oo loogu yeedhi jiray Dayday wakhti xaadirkaasna collaada iyo nabada isagaa goyn jiray oo go’aankeeda lahaa! Waxay ahayd xili caqliga iyo cilmigaba ninkaasi beerka kaga fadhiyey oo qorigu ahaa awooda la dhegaysto codka rasaaastuna kamid tahay nolol maalmeedka caadiga ah.

Bal adigu sawiro marxaladaas ragga noolaa ee nolosha ka quusan waayey isla markaana rajo badan qabay Alle-na tallo saaranayey!

 

Dhalinyarada Somaliland iyo Maanta

Amniga iyo Amaanku waa muftaaxa nolol bogaadin leh cilmiguna waa jiheeye nolosha kugu hagga, Illahay fadligii waxaan haysanaa jewi caawinaya wax walba oo horumar ah mid nafeed iyo mid qaran-ba ,

Maanta waa maalin aad xor u tahay caqligaaga aanad heli karto cilmi ku kaba

Waa maalin saaxada aan u sifaynay qof walba oo raba in uu nolosha saamayn kaga tego, waa maalintaan sugaynay.

Hadaba, Maantoo kale ha werwerin Waayo waxaad leedahay mustaqbal fiican oo iftiimaya, qofkastana waa dedaalkiisa iyo kaalinta uu ka doorto nolosha.

Ku Kalsoonow Naftaada , Dalkaaga Iyo Dadkaaga Hana Qawadin Nasiibkaaga Ee Ku Qanac Wixii Alle Kuu Qoray

Ugu dambayn waan idiin ducaynayaa waanan idin hambalyeynayaa waxaanan idin xasuusinayaa in Calafka iyo Camalkuba yihiin kuwo qoran ee aad la timaado Cibaado iyo Cilmi

Waa kii AUN ABWAAN : Ismaciil Mire lahaa:

Qof kastoo kabtiya ama kallaha ama kur dheer fuula

Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah

Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine

Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado;

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed